Madaxweyne Siilaanyo Oo Iftiimiyay In Doorshaddu Wakhtigeedda Ku Qabsoomayso

0
384

Hargeysa (Dawan):  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa sheegay in doorashadda madaxtooyadu  ay wakhtiga loo cayimay  ku qabsoomayso, waxaanu tilmaamay in ay xukuumad  ahaan  gudanayaan masuuliyadda ka saaran qabsoomida doorashooyinka.
Madaxweyne Siilaanyo oo shalay  u waramay war-baahinta dawladda  waxa kale oo uu  faahfaahin ka bixiyay   socdaalkii uu ku soo maray gobolada iyo degmooyinka dalka, socdaalkaasi oo  uu ku tilmaamay in uu ahaa mid uu  xog-ogaal ugu noqonayay  baahiyaha ka jira deegaamadii uu  soo maray.
Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in aanu jirin wax baqdin ah oo laga qabo  qabsoomidda doorashooyinka ee wakhtiga loogu tallo-galay, sidaas darteedna iyagoo ilaalinaya dumuqraadiyadda ka hana qaaday Somaliland in ay fulinayaan dhamaanba waxyaabaha xagoodda looga baahan yahay.
“Doorashaddu wakhtigeeda ayay ku dhacaysaa, annaga (xukuumadda) xagayaga waanu dhamaystirnay wakhitiga  doorashada loogu tallo-galayna way dhacaysaa,  oo waanu ku xisaabtamaynaa waanan fulinaynaa.  Dimuqraadiyada dalkana waanu ilaalinaynaa xagayagana ka dhici-mayso in aanu hagaajino mooyee. Waajibka iyo xilka na saarana waanu ka soo baxaynaa .”
 
Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo, waxa uu    xusay inuu mar kale u taagan-yahay doorshadda Madaxtinimada Somaliland ee la filayo in ay sanadkan dalka ka qabsoonto. “Doorashadana Waan sharaxnahay waanan Caafimaad-qabaa waanan wanaagsanahay, waana inoo Garoonka INSHA ALLAH” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
 
Dhinaca kale madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu ka hadlay u jeedadda socdaalkii uu dahwaan ku soo maray goboladda iyo degmooyinka dalka.  waxaanu sheegay in socdalakaasi    uu ahaa mid uu  ku soo ogaanayay  baahiyaha ka jira deegaamadii uu soo maray.
waxaanu yidhi “Safarka aanu soo marnay waxa uu daaranaa in aanu dalka oo dhan soo marno iyo in aanu xog-ogaal u noqono dalkayaga iyo dadkayagu waxa uu qabo, aad baanay farxad noogu ahayd in aanu ku soo wareegno qaybo badan oo dalka ka mid ah oo la soo kulano dadkayaga waxay qabaana ogaano, Mashaariircna ka soo furno, la soo tashano oo dareenkooda ogaano aad baanay wax muhiim ah noogu tahay aniga iyo Xukuumadda aan madaxda ka ahay , waayo Dalka iyo Umaddu inay isku xidhiidhsanaadaan xog-ogaal oo isku noqdaan.”.
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray “Safar xarago ah oo bilaa-macno ah la iskaga soo wareegayo muu ahayn, wuxuu ahaa Safar qiimo weyn ugu fadhiya Dawladda iyo Dadkaba, Ummadduna dareenkooda ayay noo muujinayeen oo baahiyahooda noo sheegayeen oo wixii aanu ka qaban-karno aanu ka qabanayno, wixii kalena waanu soo qaadanay.
 
Markaa waxa uu ahaa Safar loo baahnaa oo baahi weyn loo qabay oo Shacab iyo Dawladuba u baahnaayeen ayuu ahaa, markaa aad baan ugu faraxsanahay in aanu soo marnay waajibna way nagu ahayd xil na saarna way ahayd” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
By. Khalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply