Rose Dewitt Bukater :Waxay Sanadkii Bixisaa $ 164 Kun Doller

0
425

Rose DeWitt Bukater oo ah  Islaan da’deedu tahay 86 sano, kana soo jeeda gobolka Florida ee Maraykanka, ayaa ku dhex nool Markab safarada dalxiisku raacaan oo raaxo badan. Islaantan ayaa sandkii iska bixsa $ 164,000. Waxa ay soo martaa dalal badan oo dunida ah oo aanay hore u arag. Islaantan ayaa kiryastay marakbka, iyo goob lagu qabto xafladaha. Shaqaalaha Markabka ayaa sheegay inay goobtaasi habeenka kasta dadka dalxiisayaashu ay ku cayaaran jaas, islaantan ayay  cadeeyeen in muddo 7 sano ah oo ay Markabka la socotay ay habeen kasta ciyaarto jaaska, iyadoo aad moodo gabadh yar oo dhalinyaro ah. Islaantan aayaa bilawday safarkeeda dalxiiska ah 1997-kii , wakhtigaasi oo uu dhintay Odaygeedii, waxayna goosatay in inta nolosheeda ka hadhay aya ku qaadato markabka dalxiiska dushiisa.  ( Sharqul-Awsad 25/01/2015)

Leave a Reply