“Doorashadu Inay Xilligeeda ku Dhacdo Iyo Inay Dhici Waydo Kuma Xidhna Xukuumadda”

0
348

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle, ayaa amaanay safarkii dheeraa ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu ku soo maray gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanu sheegay in safarkaasi ahaa mid qiimo badan oo ay ku hirgaleen Mashaariic badan oo Madaxweynuhu xadhigga ka jaray ama dhagax dhigay.
Wasiir Samaale u waramay TV-ga Qaranka, waxa kale oo uu ka hadlay qabsoomidda doorashada, waxaanu tilmaamay in xukuumaddu diyaar u tahay doorashadaasi isla-markaana Miisaaniyadda loogu daray wixii dhaqaale ahaa ee kaga aadanaa xukuumadda.
Ugu horayn Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayay safarkii Madaxweynaha, waxa uu yidhi “Safarkii Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminayay waxa uu ahaa safar dheer oo aad u qiimo badan, Gobol kasta, Degmo kasta iyo tuulo kasta mashruuc ka hir-galay oo dhamaaday ayuu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray waana wax aad loogu  farxo, Wasaaraddaha kala duwan baana hawlahaasi qabtay iyo dhammaanba hawl-wadeena Wasaaradda Maaliyadda ee kala duwan iyo masuuliyiintooda. Waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, anigoo si gaar ah u soo qaadaya Maamulaha Kastamka Berbera ahna isku-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda Maaliyadda ee gobollada Awdal, Saylac, Gabiley, Balli-gubadle, Hargeysa, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo, dadweynaha reer Somaliland ee cashuur bixiyayaasha ahna waan u mahad-celinayaa.”
Wasiirka Maaliyadu  waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan ay diyaariyeen dhaqaalaha loogu tallo-galay doorashada, waxaanu yidhi “Xukuumadda way ka go’an tahay in doorashada la qabto, waayo Madaxweynuhu doorasho ayuu ku yimid, Miisaaniyaddana waanu ugu darnay wixii loogu tallo-galay doorashada, hasa yeeshee doorashadu inay xilligeeda ku dhacdo iyo inay dhici waydo kuma xidhna xukuumadda iyo Madaxweynaha, axsaabta qarankuna way ogyihiin taas ee waa inay waddadeeda maraan. Madaxweynaha iyo  Xukuumaddu wixii loogu tallo-galay wey qabteen  doorasha diyaar-baanu u nahay, Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa doorashadaabay ugu baadinaysaa inay dhici-weydo anagaa ka xun, waxaanan ognahay codkii aanu ku soo baxnay sanadkii 2010-kii mid ka weyn oo ka badan in Madaxweynaha qaranku maanta ku soo baxayo.”
Wasiirka Maaliyaddu waxa  kale oo uu  ka hadlay arrinta Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in Awdal uu yahay lafdhabarta  iyo tiirarka ay ku taagan-tahay Somaliland, waxaanu yidhi  “Gobolka Awdal waxyaabaha  maalmahan dambe laga sheegayaa maaha wax qurux badan, waxaanan qabaa in ashkhaas dan lihi ay gobolka iyo dadka deggan ay ceebaynayso, waana dad daneystayaal ah oo dan gaar ah leh ama Magac Suldaan ha sheegto ama Magac siyaasi ha sheegtee. Waxaan leeyahay magaca deegaanka yaan la xumayn, mana xumayn karaan ashkhaas xumo, waayo gobolkaasi laf-dhabar ayuu ka yahay Somaliland, qaranimada iyo horumarka Somaliland ashkhaasina ma ceebayn-karto baan qabaa, ashkhaastaasi ha noqoto kuwo Axsaabta Mucaaridka ku jira oo si qaladan magaca Gobolka iyo deegaankaba u xumaynaysa, ama rag Salaadiin sheeganaya oo dalka iyo dadka ka gubaya ha noqdaane, waxaan qabaa inay dadka deegaanka iyo Gobolkaba metelin. Gobolka Awdal waa gobolka uu ka soo jeedo Madaxwaynihii u horeeyay ee dadku soo doortaan ee 8-da sanadood dalka xukumayay, markaa waxaan qabaa in dadka maanta hadlayaa yihiin kuwo xumaynaya Magacii Madaxwaynahaa (Daahir Rayaale) iyo masuuliyiinta kale ee xilalka qaranka ka haya oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka dalka Cabdiraxmaan Saylici ee Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ka mid yahay, masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka dad magacooda xumaynaya inay yihiin-baan qabaa , waxaanan leeyahay Gobolka  Awdal ma ge’yo wax laga sheegayo ee ashkhaas-bay ku kooban tahay yaan la ceebayn dadka Gobolka dega.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply