Xuska Xeryihii Dhimashada Naazi-ga ee Auschwitz

0
411

Dadka ka badbaaday xeryaha dhimashada Nazi-ga ee Auschwitz ee dalka Poland, ayaa kala qaybgalay hogaamiyayaasha dunida munaasabadaha lagu xusayo sanadguuradii 70 guuradii  ka soo wareegtay markii la xoreeyay xeradii.
Dadka horay u xidhnaan jiray, ayaa tilmaamay in ilaaladii Nazi-gu si qasab ah qoysaska u kala kaxayn jireen, u kala saari jiray dadka cusub ee la keeno, qaar shaqo adag lagu qabto, iyo kuwo toos loogu diro qolalka gaaska.
Mid ka mid ah dadka badbaaday Roman Kent, ayaa sheegay in la ilooboo dhowrka million ee qof ee dadka ah ee Nazi-gu laayeen in ay la mid noqonayso in duugo caqliga bini’aadamka oo uu god la galo dadkii goobtaas lagu laayay.
In ka badan hal million oo qof, oo u badan Yuhuud, ayaa lagu dilay Auschwitz intii u dhaxayay 1940-1945.
Askartii ugu horaysay iyo weriyayaashii goobtaas galay waxay sheegeen in ay arkeen dadwayne dad ah oo aad u taag daran, maxaabiis ku faraxsan in la xoreeyay, isla markaana ay heleen maydad badan oo rasaysan.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply