“Caruurta Waalidkood Rabayn Waayay Xadhig Aan Iib lahayn Ayay Mudanayaan” Wasiirka Daakhiliga

0
409

Hargeysa (Dawan)-  Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in dhalinyarada rabshadaha ka sameeya xaafaddaha Magaaladda Hargeysa iyo kuwa habeenkii dhibaateeya bulshadda ay mutaysan-doonaan xabsi adag oo aan cafis lahayn.

Wasiir Waran-cadde oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa waxa kale oo uu baaq u diray  Waalidiinta ay Caruurtoodu dhibaatooyinka geystaan, waxaanu tilmaamay inay ga’been inay masuuliyad iska saaraan Ubadkooda.

 

Ugu horayn Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxaanu halkan iskugu nimid arrin inagu soo korodhay oo dalkeena hore uga jiri-jirin, nabadgelyada dalka iyo Bulshadana wax u dhimi karta oo ah inay soo baxeen Waalidiin qayrul masuul ah iyo Caruur ay dhaleen oo dhaqankii ka xumaaday oo dhib badan had iyo jeer u geysta Bulshadda oo weliba sii fidaysa , arrintaasi waxay ahayd mid muddo dheer la darsayay oo waxay noqotay arrin khatar ku ah dhaqanka Bulshadeena, waxaana lagama maarmaan ah maadaama oo aynu nahay Dawlad in aynu dhisno Bulsho ku qotonta dhaqan wanaagsan iyo nidaamka islaamiga ah ee aynu ku abtirsanayno iyo in aynu Caruurteenka ka ilaalino inay qaloocdaan.”

 

Mudane Cali Maxamed Waran-cadde waxa kale oo uu intaa ku daray “Caruurta marka hore waxa ka masuul ah Waalidka iyo Macalimiinta, waxa muuqata tarbiyaddii ay Caruutu uga baahnaayeen inay ka helaan Waalidkooda, inay arrintaasi Waalid badani ga’been oo Caruurtoodu ay noqdeen kuwo dibad yaal ah oo Inanka yar ee habeenkii oo dhan ku maqan inuu dadka dhibaateeyo ay u sahlanaatay in kowda habeenimo ilaa labada habeenimo uu ku garaaco Guriga isaga oo dagaalada uu galay aan la malayn karin oo Waalidkaasi tahli karin in Ilmihiisa uu yidhaahdo Aabo ama Hooyo xageed ku maqnayd, taasi waxay keentay inuu rabshad-wade isku badalo.”

 

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay hay’addaha amaanku ay qaadi-doonaan olole lagu xakamaynayo dhalinyaradaasi dhibaateeya bulshada, waxaanu yidhi “Sidaa darteed waxaanu iskugu nimid hay’addaha amaanka iyo Gasoorka in aanu qaran ahaan aanu qaadno olole balaadhan oo lagu dhaqan-celinayo Waalidiinta iyo Caruurtooda xumaata labadaba waxaana lagu dhaqan-celin doonaa si sharci ah, waayo masuuliyad-baa naga saaran Bulshada aanu madaxda u nahay in aanu ka ilaalino qalooca, marka hore waxay ahayd in Waalidku toosiyo, laakiin khasab baa lagu toosinayaa.”

 

 

 

Wasiirka Arrimaha guddahuhu waxa sidoo kale uu sheegay qofkii lagu qabto isaga oo qayb ka ah dhibaatooyinka habeenkii loo geysto bulshada uu mutaysan-doono xadhiga adag, isla-markaana aan cafis loo fidindoonin, waxaanu yidhi “Waxa dhici doonta oo halkan aan jeclahay inaan uga sheego, berry (Maanta) laga bilaabo Inanka falalka Magaaladda ka dhaca ama hore loo sheegay lagu qabto inuu mutaysan-doono xabsi adag oo aan iib lahayn oo aan cafis lahayn, waxaana la geyn-doonaa Xabsiga, Xabsigaasi uu ka fog-yahay ee ku yaala xuduudada Somaliland, mararka ay kalifto waxa la raacin-doonaa Walidkooda isaga oo Ilamaha labada gacmood Katiinad la iskugu xidhi-doono ilaa laga geynay-doono Xabsiyada durugsan. Waxa kale oo Xabsiyadaa la geyn-doono looga samayn doonaa dhaqan celin haddii ay tahay dhaqanka suuban iyo haday tahay xaga Diinta oo lagu dhaqan-celiyo anaga oo la kaashan doona Wasaaradda Diinta iyo awqaafta sidii Caruurtaasi dib loogu habayn-lahaa, Caruurtaasi waxyaabaha ay ku kacaan waxa ka mid ah mar iyagaa is dila oo weeraro toos ah bay isku qaadaan marna Bulshadda kale ayay dhibaateeyaan Rag, Dumar iyo Maatida kaleba ha ahaato.”

 

 

 

Wasiirku oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Lama aqbali-doono Inankaygu Masaajid-buu ku jiray, Masaajidka wakhtiga lagu jiro weynu naqaanaa Ramadaana ma joogno, Inanka yar ee Aabihii ama Hooyaddii ay leedahay waxa uu ku maqan-yahay Masaajid ama waa la iskaga daray wax suurtogalaya maaha. Waxaan digiinta u dambaysay u soo jeedinayaa Waalidka iyo dhalinyarada xumaata inta damiirkoodu weli wax ka sii nool-yihiin in habeen-dambe laga bilaabo Ninkii lagu arko inuu dhibaatadaasi mudanayo in aanay arrimahaasi gelin qaarbaa Arday ah oo wax barta in aanay waxbarashadooda iyo wakhtigooda lumin, waxa laga yaabaa in Xabsigu sanad iyo wax ka badan noqdo sida ku qoran Shuruucda dalkeena taala, ma jeclin in aanu Caruurta Mustaqbalkooda lumino, laakiin waa in Waalidka iyo Caruutoodu ay ka dhigtoonaadaan.”

 

Wasiir Waran-cade oo wax laga weydiiyay Markabkii hubka siday ee todobaadkan ku soo xidhay Dekeda Berbera, waxa uu yidhi “Markabkasi wuu xidhan-yahay, Hubkiina waa laga dejinayaa  sidaasna wuu ku xidhan-yahay waxa dib loo saarayaana ma jirto, baadhitaano xoogana way ku socdaan.”

By. Khalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply