Gudoomiyaha Guddi Hoosaadka Nabadgelyada Guurtida Oo Shacabka Ugu Baaqay Xoojinta Amaanka

0
403

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha guddi hoosaadka nabadgelyada ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa waxa ka hadlay xaalada nabadgelyada ee guud ahaan dalka. Xildhibaanku waxa uu sheegay in dalku horumar fiican ka gaadhay dhinacyo badan loona baahan yahay in halkaas laga sii wado. Sidoo kale xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in wax laga qabto dhalinyara kooxa-kooxa isu disha oo uu sheegay  hadii aan wax laga qaban inay dhaawici karto amaanka.

 

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye waxa kale uu sheegay in hanaanka geedi socod ee nabadgelyada dalku ay soo martay mar xalado kala duwan oo uu intaba goob joog ka ahaa loona baahan yahay in halkaa laga sii wado, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Anigu ilaa iyo intii aynu dooranay madaxweynihii geeriyooday ee marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxaan ku jiray golaha guurtida, waxanaan si gaar ah uga shaqaynaayay arrimaha la xidhiidha xagga nabadgelyada. Imikana waxaan ahay guddoomiyaha guddi hoosaadka golaha guurtida u qaabilsan xagga nabadgelyada. Markaa waxaan leeyahay waa in halkaas laga sii wadaa hawsha xoojinta amaanka.”

 

Xildhibaan Axmed Muuse waxa uu soo jeediyay in kor loo sii qaado aqoonta ciidanka booliska si ay u gutaan hawsha ay qaranka u hayaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaynu leenahay ciidamo kala duwan oo bilays ah waxaan soo jeedinayaa in la dhiso oo la tayeeyo aqoonta iyo tayadoodaba si ay wax uga qabtaan hawsha amaan ee ay u xil saran yihiin ee nabadgelyada.”

 

Xildhibaan Axmed Muuse mar uu ka hadlaayay kaalinta dastuurku guurtida u siiyay nabadaynta waxa uu yidhi “Qodob dastuurka ka mida ayaa waxa uu dhigayaa in golaha guurtidu ka hawl galayaan arrin nabadgelyo waa in ay la tashadaan oo kaashataa golaha dhaqanka. Markaa waxaan leeyahay arrintaa canaan baanu ku leenahay.”

 

“Boorama waa hooyadii Somaliland, waana meeshii nabadgeyada dalku ka soo bilaabmatay ee lagu soo doortay madaxweynihii geeriyooday Marxuun Cigaal. Cabashadoodana waa in loo fuliyaa. Hadii ay wax kale doonayaana cidi ka yeeli mayso.” Ayuu yidhi mar uu ka hadlaayay tabashada reer Awdal.

 

Xildhibaanku waxa uu guud ahaan shacabka Somaliland ugu baaqay adkaynta iyo xoojinta amaanka, waxaanu u soo jeediyay in ay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee amaanka, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay dalku waxa uu marayaa meel aad u wanaagsan. Waxaan soo jeedinayaa in wax laga qabto dhalinyarada rabshadaha samaysa ee kooxo-kooxaha isu disha. Hadii aan arrintaa wax laga qabana waxay dhaawacaysaa amaanka dalkeena.”

Dhawaan ayay ahayd markii uu taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan uu shaaciyay in ciidanka boolisku dalka oo dhan gaar ahaan caasimada Hargeysa ka bilaabeen hawl gal aad u balaadhan oo lagu xoojinayo amaanka.

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply