Ciidanka Asluubta Oo Sabobeeyay Waxyaabaha Hortaagan in La Fuliyo Xukunada Qiyaasaasta ah

0
390

Hargaysa(Dawan):- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Xasan Cali Cawad ayaa ka hadlay caqabadaha hor taagan fulinta qisaasta dadka  dilka ku xukuman oo uu sheegay in ay ka timi cidda loo xukumo oo aan dib u soo noqon,waxaa kale oo uu  waxba maka jiraan ku tilmaamay hadal ay bulshada reer Somaliland muddooyinkii dambe hadal hayntiisu ku soo noq noqonaysay oo ahaa in dadka dilka   u xidhan hay’ado lacag siiyaan,waxaa kale oo uu ka hadlay sababta dadka dilka ku xukaman loogu fulin waayay iyo sababa dib u dhigay fulinta qisaasta.

“Horta Maxaabiista Annaga ayaa gacanta ku hayna,waxaana Jira Dacaayado raqiis ah oo odhanaya maxaabiista wax disha ayaa jeelka Lacag lagu siiyaa,horta arrintaasi Ma jirto waana been meelahaas laga soo maluuqay ,”ayuu yidhi Taliye  Ku xigeenku Waxaanu intaas ku kabay “Dawladdu nidaamkii ay ugu tallo gashay iyo qorshihii ay u dhigtay ayay wax waliba u socdaan, horta marka uu qofku wax dilo Saddex Arrimood ayaa bannaan,In la dilo oo la qisaaso in diyo la kala qaato iyo in lasaamaxo,arrinkaana cid ayaa iska leh waana cidda loo dilayo ayaa go’aanka ay doonto gaadhi karta.”

Waxaa kale oo uu sheegay Taliye Xasan Cali Dheere  in inta badan dadka wax laga dilaa ay diyo qaataan oo dhankooda ay ka dhacdo in ay mag qaataan sidaana xukuhnkii  dhacay uu u fuli waayo  marka laga wada heshiiyo.

“Horta  mid ayaa  meesha taal marka uu dil dhaco ee Maxkamaddu xukunto dadkii maba soo noqdaan,markaas waxaa habboon dadkii doonayay in wax loo dilo in la helo,haddii kale cid la dilayaa Ma jirto,”ayuu ku dooday Taliye Xasan Cali Dheere.

By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply