Buur-madow Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Socdaalkii Dheeraa Ee uu ku soo Maray Gobollada

0
430

Hargeysa(Dawan):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa soo dhaweeyay isla markaana hambalyeeyay socdaalkii madaxweynaha Somaliland ku  soo maray deegaamo badan oo ku yaalla gobolada dalka.waxaanu ku tilmaamay booqashadaasi mid loo baahnaa.

“Socdaalkii Madaxweynuhu ku soo maray gobollada dalka wuxuu ahaa mid guul ah oo loo baahnaa isla markaana munaasib ku ahaa xilliga uu Madaxweynuhu ku soo maray  dalka, waxaanan leeyahay Madaxweynuhu socdaal guul ah ayuu ku soo maray dalka socdaalkii la mucaaridi lahaana maaha qolyaha mucaaridka ahna waxaad  moodaa in ay wax ka khaldan yihiin,  maxaa keenay inay  yidhaahdaan Madaxweynuhu meel  heblaayo muu seexan guud ahaan safarkaasi  guul ayuu ahaa oo guul qaran ayuu ahaa oo ammaanka dalka Somaliland ka jira ayuu muujinayay in la arko Madaxweynihii dalka oo xilli habeenimo ah guura-gal ku maraya dalkiisa,”ayuu yidhi  Boqor Cismaan Aw Maxamuud  Buurmadow oo shalay warbaahinta la hadlay.

Boqor Buur-madow, waxa uu  “Waxaan Hambalyaynayaa shirka  ay qabsadeen beelaha Samaroon oo aan aad ugu  hambalyaynayo sida wanaagsan ee ay u shireen iyo qodobbada qarannimada ku dhisan ee ay soo saareen,  waxaanan leeyahay waad ku amaanan tihiin sida wanaagsan ee aad u shirteen inaan tago ayay ahayd,  laakiin dalka waan ka  maqnaa waxaan  ka qayb galay oo na metalay salaadiintii kale markaa waan hambalyaynayaa shrkaa iyo go’aamadii ka soo baxayba.”

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply