Maayarka Hargeysa Oo Ka Hadlay Cabasho ka Dhalatay Hawl-gal Wado-banayn ah

0
381

Hargeysa (Dawan)- Maayarka caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa shalay ka warbixiyay hawlgal balladhan oo dawladda hoose ku banaynayso jidadka xidhmay ee degmadda Axmed Dhagax ee magaaladda Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in Wadadani ay noqonayso mid laami ah taas oo isku xidhi doonta degmooyinka 26 June, Axmed Dhagx iyo degmada Maxamuud Haybe, isla markaana ka gudbi doonta koonfurta Beerta Xoriyadda.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu ka hadlay qoysaska qaarkood oo  wadadda dhexdegay oo gidaaraddii ay wadaddu soo gashay laga dumayey, kuwaas oo shiid iyo dhagaxaan kala hor yimid gaadiidkii dawladda Hoose.

Maayarka oo hawlgalkan  ay shalay bilaabeen ka hadlaya waxa uu yidhi “maanta waxaanu samaynay wejigii kowaad ee banaynta wadada  Maraysa beerta xoiriyada, Cawaalle Jidhoon, wadadaasi oo wajigeedda kowaad  u soconaysa koonfurta xaafadda marka dambana bari iyo galbeed u kala baxaysa, dhinaca galbeedka waxay kaga xidhmaysaa Ciidanka Booliska ama Warshadda Laydhka Hargeysa,  dhinaca Bariga waxay kag xidhmi doonta Maxamed Mooge ayey ka talaabi doonta”

Maayarka oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa shaqaalaha dawlada hoose iyo ciidanka booliska, oo u dhabar adaygay iyo dadweynaha intoodda badan oo si fiican u soo dhoweynayey, waxa nasiib darro ah in qofku marka uu waddo dhisto in cagafyadii dawlada uu jajabiyo oo uu shiido, oo ciidanka kala hor yimaaddo dhagaxaan, dadkii ciidanka iyo dawlada ka hor yimid ee baabuurtii masuuliyinta qaarkood jajabayey sharciyada  ayaanu hor-gaynaynaa, waxaan u mahad celinayaa dadkii sida fiican noola shaqeeyey way xanuun badan si kasta oo sharci daro ku dhisato in qofkii gurigiisa la dumiyo,  waxaase aad ugu mahad celinayaa dadkaasi oo dawlada hoose la shaqaynayey oo u dhabar adagayga iyagoo hantidoodii la duminayo inay jidka baneeyaan ka door biday jid ay degaan waxay og yihiinin in ay wadaddu muhiim tahay, waxa la samaynaya waa hawl dan guud ah, oo umadda oo dhan u adeegaya, maanta marka ay saxmadu wadooyinka ka taagan tahay qofka doonaya Ambasodor ama Haaf landon dee wadadan ayuu maraya, magaaladu way ka raysanaysa saxmadii, xaafadduna wadooyin fiican ayey helayaan oo wadooyinku waxay ka qaybqaataan koboca dhaqaale, imika wadooyinka ay samaynayey way ka qiimo badnaanayaan aqladda aan wadddo lahayn, waxaana qiimaha u yeelay waa wadadda, oo markii bilaa wadadda ahayd iyo imika isku qiimo noqon maysaan, sidoo kale isku xidhka magaaladda ayey fududanaysa, waxaan leeyahay dadweynaha Hargeysa gaar ahaan degmooyinka hawlgalka waddo banayntu ka socota waa inay u diyaar garowbaan oo ay dawlada hoose la shaqeeyaan”.

Si kastaba ha ahaatee, subaxii hore ee shalay ayey dawladda hoose hawlgal balaadhan oo waddo banayn ah ka bilowday xaafadan, taas oo laga dhigi doonno waddo Laami ah oo dadku kaga raysan doonaan saxmadda iyo cidhiidhiga magaaladda.

Idiris M. Xasan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply