Lawska Oo Maalinle Loo Cunaa Wuxu Yareeyaa Miisaanka Iyo Wadne Xanuunka

0
432

Daraasad cusub oo ay samaysay jaamacad kamid ah kuwa dalkaasi Maraykanka ayaa lagu  ogaadey in lawska oo maalin kasta la cunaa uu yareeyo culayska badan ee qofka fuula,sidoo kalena uu yareeyo wadne xanuunka.
Daraasadan ayaa waxa sameeyey kooxo khubaro ah oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Pennsylvania oo ku taalada dalkaasi Maraykanka,waxaana ka qayb qaatay dad ku dhow ilaa 50 qof,kuwaas oo lahaa da’ kala duwan.
Dadkan ayaa ahaa kuwo aad u culus dhinaca miisaanka,iyaga oo tijaabo ku qaadanaayey isticmaalka lawska.
Dadkan ayaa loo kala qaybiyey laba kooxood ,kuwaas oo qayb kamid ahi ay cunayso laws gaadhaaya ilaa 42 grams oo maalinle ah,halka kuwa kalena ay cunayaan muus iyo keeg isku jira,kuwaas oo maalin walba cunaaya,kuwaas oo ka horeysiinaaya labaduba cunta kale.
Waxaanay socotay daraasadani muddo 12 toddobaad ah,waxaana kasoo baxday natiijo ah in dadkii cuslaa qaar badan oo kamid ah ay hoos uga dhacday baruurtay ka cabanayeen,gaar ahaana lugaha oo ahaa meelaha ay ka cabanayeen,halka kuwa kale ee aan lawska cunina ay kusii siyaadey baruurtaasi.
Dadka ku takhasusay arrimaha caafimaadka oo kaalin weyn ka qaadanaayey daraasadan iyo samaynteeda ayaa sheegay in cunitaanka lawskan ee maalin walba inay tahay mid yaraysa culayska jidhka,sidoo kalena ka hortagta xanuuno badan oo dadka ku dhaca,iyada oo uu xooga saaray dhinaca wadnaha.
 

Leave a Reply