Dawladaha Caalamka Iyo Ahmiyada Xafiiska Hab-Maamuuska (Protocol Office) Qaybtii 5aad

0
401

Qormadii 4aad intiina la socotay ee akhriday, waxaan kaga soo sheekaynay Wasiirkii Shiinaha ee sida ba’an u qiijin jiray beebka ee martida u ahaa shirkad ka mid ah kuwa isgaadhsiinta ee Mareykanka, balse ku soo illoobay diyaaradii uu soo raacay ee iyadoo ay ka qasan tahay uu xafaladdii uu yimid, balse uu xaaladdii uu ku jiray uu sida cilmiga ah u xalliyey khabiirkii dhinaca hab-maamuuska ee u shaqeynayay shirkadda.

Cadadkan maanta waxaan ku soo qaadanaynaa hab-maamuuska iyo siyaabaha kala duwan ee loo baahan yahay in callanada (flags) dalka martida ah iyo ka martida loo yahay caalami ahaan loo kala dhigo.

Waxa kale  oo aan kaga warami doonaa qormadan cabbirka ay kala noqonayaan, gaar ahaan xaga dhererka jooga ah iyo ballaca iyo siday kala noqonayaan dalalka colaadi dhextaal ee aan weli kala qaadan safaaradaha ama aan isku jarin xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay iyo sidoo kale xajmiga ay tahay in laga dhigo callanada dalalka uu ka dhexeeyo cilaaqaadka wanaagsan.

Waxaan soo qaadanaynaa tusaale kale oo uu goob-joog u ahaa khabiir dhinaca hab-maamuuska ah oo la odhan jiray Robert  W. Fayre. Qoraal uu ka sameeyey dhacdo uu u taagnaaoo ka mida kuwa aan sare ku soo xusnay, isagoo ku soo bandhigay sheeko ku saabsan booqasho uu mar ku yimid dalka Mareykanka Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya. Khabiirkani waxa uu daboolka ka qaaday fadeexadda iyo weji-gabaxa qabsan lahayd ka martida ah iyo geesta kale ee martida loo yahayba, haddii qisada soo socota ee la xidhiidha booqashada Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya uu hoggaankeeda hayn lahaa qof aan khibrad u lahayn hawlaha hab-maamuuska.

Haddaba, aan tusaalahan uu bixiyey khabiirku idiin bilaabee, soo dhaweyntii iyo dejintii Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya waxa ku xigay oo jadwalka ku qornaa in casho lagu kulmo caawa, iyadoo goobta kulankuna ahaa madal ka baxsan aqalka cad ee Mareykanka oo ahayd meel inta badan lagu sameeyo martiqaadyada cul-culus oo kambani lahaa. Waqtigii casuumadda markay ka hadhsanayd muddo saacad ahi, ayaa sida had iyo goor caadada u ah madaxa hab-maamuusyada uu tagay khabiir Robert goobtii casuumadda, si uu u sii hubiyo imaatinka weftiga martida ka hor in wax walba u diyaarsan yihiin sidii laga rabay.

Maareeyihii xarunta martiqaadyada waaweyn ee caalamiga ah, ayaa si fiican u soo dhaweeyey khabiirkan Robert oo qaabilsan dhinaca hab-maamuuska ee munaasabadan oo ay horena khadka telefoonka uga wada xidhiidheen noocyada cuntada, cabbitaanka, fadhiga iyo waxyaabo kale oo badan loo qaabaynayo.

Waxa uu Maareeyihii ku soo wareejiyey khabiirkii dhinaca hab-maamuuska meelihii lagu diyaariyey  cuntada, cabbitaanka, goobta fadhiga cashada iyo madashii loo qoondeeyay in ay ka hadlaan labada Madaxweyne ee Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya.

Maareeyaha xaruntu, waxa uu sii dhigay sida nidaamka iyo baratakoolkuba yahay labada calan ee astaanta u kala ah dalalka koonfurta Kuuriya iyo Mareykanka, hase yeeshee, waxa uu sameeyey khalad weyn oo aanu isagu fahamsanayn, isla markaana aanay fahmi Karin dadka ama mas’uuliyiinta kale ee aan ku lug lahayn nidaamyada hab-maamuuska iyo diblomaasiyadda.

Labada calan ee uu sii sudhay goobta khudbadaha loo qorsheeyay, ayaa ka Mareykanku xaga jooga waxoogaa ka dheeraa ka koonfurta Kuuriya.

Muuqaalkii labada calan markuu indhaha qac ku siiyey khabiirkii hab-maamuusku, ayuu u soo jeestay dhinacii Maareeyaha oo uu ku yidhi “Waa maxay callanadan kala dheer ee aad meesha noo dhigtay?”

Isagoo aan weli Maareeyuhu fahmin inuu khalad weyn oo diblomaasiyadeed oo xaga hab-maamuuska ah uu sameeyey ayuu ugu jawaabay oo yidhi “Wax ii sheeg oo ma waxa yara khalad ah midabka calanka koonfurta Kuuriya, mise sidaan u kala dhigay ayaa khalad ku jiraa?”

Waxa uu gartay khabiirkii markuu sidaa ugu jawaabay Maareeyihii in aanu garanayn khatarta dhici lahayd haddii aanu iman lahayn meesha ama uu ahaan lahaa nin aan waaya-aragnimo dheer u lahayn shaqooyinka hab-mamauuska ee tani ka midka tahay.

Intaa ka dib, waxa uu farta ugu fiiqay khabiirku labadii calan kadibna  uu ku yidhi “Bal si fiican u dhugo oo gees walba ka eeg labada calan ee aad sii dhigtay.”

 

Dabadeed, Maareeyihii cabbaar ayuu ku dhaygagay eegmadii labada calan isagoo aan xaga dhererkaba ka eegin, kadibna intuu la hadlay khabiirkii ayuu u sheegay in aanu weli fahmin waxa khaldamay haddaan midabka calanka Koonfurta Kuuriya ku jirin khalad xaga midabka ahi.

Khabiirkii intuu u soo dhaqaaqay bartii ay sudhnaayeen labada calan oo barbar ka joogsaday, ayuu ku yidhi “ma kala dheer yihiin labada calan joogoodu?” si dhakhso ah ayuu Maareeyihii ugu jawaabay oo yidhi “Haa… Haa oo miyaan xagaaba ka eegay kan oo aan mar hore u isticmaalnay kulan sannadkii hore ahaa ayuun baan soo qaaday oo dhigaye, maxaase ku jaban hadday kala dheeraadaan?” waxa uu khabiir Robert u sheegay Maareeyihii, in labada dal ee colaadi ka dhex socotaa uu midba ka kale calankiisa xagga dhererka ka hoosaysiiyo kiisa, waana astaantaa tan hadda ka muuqata labadan calan oo ay fahmi karaan markaaba dhammaan diblomaasiyiinta la soo martiqaado iyo qolyaha xaga hab-maamuuska qaabilsan ee la socda Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya, bal markaa ka warran hadday sidan hadda ay yihiin loogu iman lahaa?

La soco………………………………..

By: C/llaahi A. Cumar “Wayab”

Leave a Reply