“Xukuumadda Waxaan Leeyahay Cadaallada ku Shaqeeya Go’aanka Dawliga Ahna Ku Adkaysta”

0
407

Hargaysa (Dawan): Siyaasi  C/laahi Xaaji Cumar (C/laahi Jawaan),  ayaa  sheegay in dalka Somaliland la wada leeyahay, isla markaana  wixii tabashooyin ah ee jira   lagu dhameeyo wada hadal iyo isku tanaasul.

waxaanu  soo jeediyay xukuumadda talladda haysa in ay go’aamadda dawliga ah  ee ay awooda u leedahay sidooda ugu shaqayso, isla markaana ku dhiiranaato fulintooda qaab cadaalad ah.

  C/laahi Jawaan, waxa kale oo uu sheegay     in Madaxweyne Siilaanyo ku soo baxay codka shacabka Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in umaddu isbarbaar taagto.

 isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweyne Siilaanyo waa Madaxweynihii dadkoo  idil kaa doortay waa hogaamiye qaran aamina oo qaranimo iyo umaddnimo ku aamina.  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo SNM ha u aanaynina, Isaaq ha u aanaynina, Habar Jeclo ha u aanaynina, cid kalena ha u aanaynina. Markaa waxaan leeyahy aamina”.

 

Waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadana waxaan leeyahay waar wax la cuskado cadaalada ayaa u wanaagsan ee ku shaqeeya go’aanka dawliga ah  ama ku adkaysta oo fuliya oo ku dhiiranaada, waayo kalsoonidda  umadda doorashadeeda ayaad ku soo baxdeen” ayuu yidhi  C/laahi Jawaan oo hadal  ka jeediyay munaasibadii hogaanka cusub ee daladda SONYO ay xilka kula wareegayeen, taasi oo Axadii todobaadkan ka dhacday huteelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.

 

C/laahi Jawaan,   waxa  kale oo uu tilmaamay in dalka la wada leeyahay, oo aanay  cidna marti ku ahayn. Waxaanu  yidhi “Waxaanan leeyahay dalka waa la wada leeyahay, nina nin marti ugama aha, waar kii waxaas aaminsanoow qalbiga ka saar waxaas, waar dalkan yaan nina looga dudin, nin dudayna isaga ayaa liita. Meel ayaan ku wada nool nahay, wax kastoo la kala tirsanayo ha laysku dulqaato oo ha laysku samro.”

 

 

Dhinaca kale siyaasi C/laahi Jawaan, waxa  uu walaac ka muujiyay dhallinyarada magaalada Hargeysa oo iska horimaadyo dhex maraan, waxaana uu yidhi “Dhallinyaradii xadhiga ayay goosatay, waliba kooxaha ciyaara oo noqday kuwo budhcada oo qoloba qolo la dagaalamaysa, waxaan leeyahay way daxalaysatay maskaxdii dhallinyaradu, waana in wacyigelin loo sameeyo dhallinyarada.”

By: Khadar M. Dhako

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply