Socodka Dadku Wada Sameeyaan Jimicsi Ahaan Wuxuu Keenaa Caafimaad Iyo Dhiiranaan

0
441

Daraasad cusub oo lasoo saaray  maalintii salaasadii laguna soo daabacay jariirada lagu magcaabo British Journal of Sports Medicine ayaa lagu sheegay in socodka jimicsiga ah ee si kooxaysi ah loo sameeyaa uu keeno caafimaad badan iyo sidoo kalena dhirigelin.
Taas oo dadku aanay tebayn caajis iyo sidoo kalena cidla,waana habka keliyaata ee lagu samayn karo ayay yidhaahdeen kooxda daraasadan samaysay lagu joogtayn karo jimicsigaasi.
Kooxda daraasadan samaysay ayaa ka socotay jaamacadda lagu magcaabo University of East Anglia,kuwaas oo hore usoo sameeyey 42 daraasadood oo kala duwan,tanina ay noqonayso daraasadoodii 43-naad siday sheegeen.
Daraasadan ayay ku saleeyeen wadamo kala duwan iyo dad kala duwan,kuwaas oo gaadhaayey ilaa 14 wadan,waxaanay dadka daraasadan lagu sameeyey ahaayeen 2000 oo qof,kuwaas oo loogu tegay siyaalo kala duwan,gaar ahaana dumarka ayaa awood badan la saaraayey ,madaama oo ay yihiin kuwo ku yar dhinaca jimicsiga.
Daraasadan ayaa lagu sheegay in dadkaasi markay sida koox kooxda ah u samaynayaan socodka jimicsiga ah inay dareemaan raaxo,taas oo ah mid ilawsiinaysa kelinimada iyo caajiska,sidoo kalena meelaha lagu socdo laguna jimicsadaa ay tahay meelaha ay ku balamaan markasta.
Kooxdan cilmibaadheyaasha ah ayaa sheegay in socdaalkaasi jimicsiga ahi uu keeno in jidhku noqdo mid qaab ahaan dhisan,sidoo kalena uu yareeyo xanuuno dadka ku dhaca markay noqdaan bila jimicsiga,gaar ahaana markay fadhiga badsadaan.
Iyaga oo gaar usoo qaatay dhiig karka,macaanka,faaliga iyo xanuuno badan oo  kale,waxa kale oo ay sheegeen in qofku marka uu jimicsiga daayo ay keento inuu jidhku yeesho dux,taasina ay u horseedo xanuunadaasi kuwo badan oo kamid ah.
Daraasadan ayaa kooxdan cilmibaadheyaasha ahi kusoo gebo gebeeyeen in jimicsiga habka koox kooxda ah loo sameeyaa inuu yahay mid keena faa’idooyin badan oo caafimaad,gaar ahaana marka dadku socodka ku samaynayaan jimicsiga,iyaga oo aan dareemayn caajis,iyada oo aan daraasadan laysku dhinac dhigin laguna sheegin saamaynta uu socodka laftiisu  ku lee yahay caafimaadka iyo waxyaalahay kaga duwan yihiin jimicsiga habka Sports-ka loo sameeyo.

Leave a Reply