Waxqabadka Xukuumadda: Ishii bugtaay ku bikaacso

0
463

Tan iyo waqtigii uu xukunka qabtay madaxweynaha Axmed  Maxamed Maxamuud (siilaanyo)  waxa uu muujiyay waxqabad muuqda oo la taaban karo,   kaas oo isugu jira qaybaha kala duwan ee adeegyada bulshada sida waxbarashadda,  caafimaadka,  biyaha,  jidadka,  dhismeyaasha wasaaradaha iyo korodhka miisaaniyadda qaranka.
 
Waxaana  marag ma doon ah in muddadaas kooban la hirgeliyay guryo dhaadheer oo loo dhisay wasaaradaha dawlada kuwaas oo dhisme ahaan iyo qalab ahaanba  dhamaystiran oo muujinaya haybada iyo karaamada qaranka . halka markii hore ay ahaayeen dundumooyin ka sameysan labankii dhoobada ahaa ee Ingiriiskii inooga tegay,  oo xaataa xafiisyada wasiiradu ay ahaayeen kuwo aanad marnaba is odhaneynin waa xafiis wasiir ku shaqeeyo bilic xumada iyo sida ay u eeg yihiin markaad eegto.
 
Markaad tahay qaran aduunka la macaamilaya oo raba in uu noqdo dal leh haykal iyo muuqaal dawladnimo oo indhaha caalamka soo jiita, waxa waajib ah in xafiiska aad ku qaabilayso Wufuuda iyo dhismeyaasha aad ku martigelinaysaaba in ay noqdaan kuwo lagu negaan karo oo ka tarjumaya in aad tahay dad wax qabsadey oo leh han iyo hiigsi fog , diyaarna u ah in uu qayrkii wax la qaybsado.
 
Waxaanay  aduunka tusinaysaa  in aynu nahay dad iskood wax u qabsaday, murti  Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd [Hugaaguna wuu kula baryo  tegaa].
 
Xukuumada Axmed  Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay waxay u badheedhay in ay bilowdo dhismaha jidka dheer ee  Ceerigaabo,  waxaana aynu og-soonahay in dawladahii kala dambeeyay ee dalka soo maray ay ku dhici waayeen iyaga oo aaminay in ay tahay wax aan laga bixi karaynin. waxaana hubaal ah  in xukuumadan talada dalka haysaa iyada oo kaashanaysa shacbi weynaha Somaliland guddo iyo dibad-ba ay ku dhiiratay hirgelinta jidkaasi.
 
Haddii hogaanka dalku uu bulshadda ku haggo hilaad fog iyo himilo dheer oo uu hormood uga noqdo wax wada qabsi iyo iskaashi buuxa waxa aynu wada jirka ku gaadhi karnaa horumar iyo badhaadhe inoo horseeda mustaqbal fiican.
 
In badan ayaa tashuush iyo buuq lagu furay dhismaha jidka Ceerigaabo oo xusbiyada mucaaridku ay damceen in ay bulshada majaro habaabiyaan si tabarucaadka iyo taakulada dadweynuhu kaga qayb qaadanayaan ay hakad u  gasho.  iyada oo ujeedadaeedu ay ahayd in mashruucaasi fashilmo ,waxaase taas beeniyay oo waxba kama jiraan ka dhigay shacbiga xalaasha ah ee jecel horumarka iyo dhismaha dalkooda , murti ayaa ahayd (Wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaan).
 
Madaxweyne Siilaanyo socdaalkiisan ugu dambeeyay ee uu ku soo maray deegaamadda  xuduudka dalka wuxuu xadhiga uga jaray bilowgii  jidka Ceerigaabo , taas oo shacbiga yididiilo gelinaysa.
 
Xilka iyo masuuliyadu waa arrin u baahan feejignaan iyo dhibirsanaan,  madaxweyne Siilaanyo waxa uu safar dheer ku soo maray min  Baki oo ka tirsan gobolka Awdal ilaa  Gambadha oo ah fadhiisinka bari ee ugu weyn ciidamada qaranka. waxaanay ku qaadatay muddo laba wiig ku dhaw, ujeedada socdaalkiisuna waxay ahayd sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa baahiyaha kala gedisan ee deegaamadaasi ka jira,  tuullo kasta iyo degmo kasta oo uu marayna wuxuu ka dhageysanayay wixii ay baahidoodu tahay masuuliyiintooda iyo odayaasha deegaamadaasi.
 
Safarkaasi  waxa uu ahaa fariin uu madaxweynahu bulshadda u dirayay oo ahayd in uu yahay madaxweyne dadkiisa dhib iyo dheefba la wadaaga oo la dareen ah oo jecel in uu ardaa iyo aqal Soomaali meeshii lagu marti geliyayba u hoyanayay  isaga oo ku qanacsan oo weliba ku faraxsan.
 
Socdaalkaasi waxa lagu magacaabi karaa [Aan ogaado xaalkiina oo aan idinla qaybsado waxaad qabtaan].  waxa kale oo safarka  madaxweynuhu  u  quus gooyay kuwa sheegta mucaaridka oo aanad marnaba ku arkaynin wax wanaagsan oo ay sheegayaan in ay umadda u dardaar weriyaan mooyaan’e.
Socdalkaasi  waa mid muujinaya kartida iyo hawlkarnimada madaxweyne Siilaanyo,  taasi  oo aan ka fahmi karno in uu yahay  geed adeyg ma daale ah waxaanu safarkiisa ku soo maray dhul isu jira 1800KM  oo u badan  Raf……
 
La soco qaybaha dambe
 
Qore:  Maxamed  Wadaad-yare
Tel. 4174517

Leave a Reply