Xukuumadda Iyo Cuqaasha G/Maroodi-jeex Oo Go’aamo Adag ka Soo Saaray Dhalinyarrada Qaswadeyaasha ah

0
406

Hargeysa (Dawan) – Laamaha amaanka iyo Cuqaasha Gobolka Maroodijeex , ayaa kulan ay shalay iskugu yimaadeen waxay ku sheegeen in gacan bir ah lagu qaban-doono dhalinyarada kooxaha isku disha ee rabashaddaha bulshadda lagu dhibaateeyo ka sayamaysa Caasimada Hargeysa.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka arrimaha amniga ee Wasaaradda Arrimaha guddaha Cismaan Garaad Soofe, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sareeyo-guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare) iyo Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa la isla qaatay in aan mag laga bixin doonin dhalinyaradda ku dhinta hawl-galadda ay Ciiddanka Boolisku ku qabanayaan dhalinyaradaasi.
Ugu horayn qaar ka mid ah Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex oo kulankaaasi hadalo ka soo  jeediyay ayaa si aada iskugu waafaqay sida loogu baahan yahay in dhalinyarada amaanka khalkhal galinaysa la iska qabto, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “Annigu waxaan taaganahay, Cuqaashana aan leeyahay ha igu taageerto in kii ku dhinta hawlgalka Booliska aynaan mag ka qaadan.”
“Meel xun bay caruurteenii maraysaa, dawladeena iyo nabad-gelyadeena yaanay inaga baa’biinin, waxaan leeyahay Mag ma laha Ninkii hawlgalka lagu dilo”.
“Waxaan leeyahay Kuwa aan la dilin ee la xidho, Xabsiga ha loo dheereeyo, waliba Gobolka uu u dhashay inta laga qaado Gobol kale halagu xidho.”
Guddoomiyaha  Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare) ayaa isna halkaasi ka sheegay inaanay u dulqaadan-doonin dhibaatooyinka ay dhalinyaradaasi u geystaan amaanka, waxaanu yidhi “Annagu Gobol ahaan u dulqaadan mayno in aayar oo dhalatay magaalada fawdo laga sameeyo, oo dadweynaha kala duwan dhibaato loo gaysto, oo magaalada la kala xidho, oo la yidhaahdo Daacish bay la baxeen iyo Arsenal, waxaasi suuroobi mayso, Dawlad baanu nahay, annaga iyo Innamadu waanu kala adkaanaynaa cuqaaleey.”
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha guddaha Cismaan Garaad Soofe ayaa sheegay in la dardar galin doono sugida amaanka, waxaanu yidhi “Amniga waxa lagu qaban-karayaa iskaashi  oo tiirar ka waaweyn baynu awalba lahayn, Wasaaradda Arrimaha gudduhu amaanka guddaha ayay ka masuul ka tahay idinkuna Cuqaashii ayaad tihiin, Cuqaashuna waa dulucda,dad tihiin, Cuqaashuna waa duluuadaasi adlay  Oo Bartay Xirfado Kala Duwan waana  hay’addaha ugu sareeya dalka runta marka laga hadlo.” Ayuu yidhi Cismaan Garaad Soofe.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo-guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)  ayaa Cuqaasha ku bogaadiyay go’aamadan la isla-qaatay ee lagu sugayo amaanka, waxaanu yidhi  “Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa inaad nala qaadateen inaad amaanka nala sugtaan iyo go’aanka aad ka qaadateen Ninka Dambiilaha ah inaydaan noogu iman oo haddii uu Nabadgalyada soo weeraro inaanu dilno oo aad nala qaadateen.”
By. Khalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply