Masar oo sii daysay weriye Peter Greste

0
385

Masar ayaa sii daysay oo dalkeeda ka dhoofisay weriyaha Al Jazeera Peter Greste, oo loo xukumay in uu u janjeersaday kooxda Ikhawaanul Muslimiin.
Mr Greste oo horay BBC ugu shaqayn jiray, ayaa u duulay dalka Qubrus halkaas oo la filayo in uu kaga sii gudbo dalka uu u dhashay ee Australia.
Al Jazeera ayaa soo dhowaysay tallaabadan, balse waxay kaloo dalbatay in la sii daayo labada weriye ee lala xidhay oo ay wada shaqaynayeen waa Maxamed Fahmy iyo Baher Maxamed.
Warka laga helay dhinaca madaxwaynaha Masar ayaa sheegay In Maxamed Fahmy oo haysta dhalashooyinka Masar iyo Canada la musaafurin doono marka dhalashadiisa Masar la baabi’iyo.
Sadexda weriyaha ayaa xukun ay ku riday maxkamad dacwadadeeda si aad ah loo cambaareeyay.
Bishii hore maxkamad ku taalla Qaahira ayaa amar ku bixisay in dib dacwadooda maxkamad loo keeno kadib markii ay tuurtay xukunadii horay loogu riday.
 


 

Leave a Reply