“Somaliland iyo Soomaaliya Wararkoodu Isku Astaan Noqon Maayaan”

0
443

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha waaxda  Idaacadaha   Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka oo qaab siyaasadeed  u naqdiyay astaanta wararka ee Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa ee la bedalay.
Xasan Maxamed Yuusuf oo shalay u waramay warbaahinta dawladda,  ayaa  sheegay  in dawladda  Soomaaliya looga guuray astaanta wararka ee la bedalay, waxaana uu tilmaamay in hanta badan oo umadda  Somaliland lahayd ay  ku maqan tahay Soomaaliya.
“Miyuusigii  uu ku soo geli jiray warka Idaacada Radio Hargeysa, waynu ka guurnay, sababta aynu uga guurnay qorshe qof keenay maaha intii la sameeyey Telefishanka dawladda Soomaaliya leedahay ayaa ay dhalatay in la bedalo arrintani sababta oo ah Telefishanka Qaranka Somaliland iyo Telefishanka Soomaaliya isku astaan ayay noqdeen, wararkii Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa waxay noqdeen isku astaan, ka dib guddi ayay wasaaradu saartay, waxa  aanu soo  go’aaminay in miyuusiga  laga guuro, miyuusigaas inaga ayaa lahayn oo waa run oo waxa sameeyay Ismaaciil Basbaas,hase yeeshee waxa uu ka mid yahay hanta badan oo aynu lahayn oo Soomaaliya innaga maqan,”ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Idaacaduhu.
 
Xasan Maxamed Yuusuf oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “waa la siyaasadeeyay niman xisbiya ka tirsan ayaa sheegay in miyuusigeenii laga guuray, hanta  aad u faro badan oo aynu lahayn ayaa looga  guuray Soomaaliya, markaa ay yimaadaan ha soo celiyeen mucaaradku miyuusigii”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply