Tabobar Xirfadeed Oo Lagu Soo Gabo-gabeeyay Saylac

0
389

Saylac (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Salal iyo Maayarka Degmada Saylac ayaa tabobar u soo xidhay soddon iyo laba xubnood oo muddo labo bilood ah aqoon korodhsi dhinaca xirfadaha gacanta iyo maamulka xafiisyadu  uga socday xarunta dawlada hoose ee degmada saylac.
Mashruucan aqoon kordhsiga ah oo ay dawlada hoose ee degmada Saylac gacanta ku haysay maamulkiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay sadex waaxood oo kala bartay Farsamada xidhista iyo furista Korontada,  Kombiyuutarada, Maamulka iyo maaraynta xafiisyada iyo waliba Tolmaha dawaarada  dharka.
Xafladan oo ka qabsoontay xarunta dawlada hoose ee degmada Saylac ayaa waxaa ka soo qayb galay Badhasaabka gobolka Salal, Badhasaab ku xigeenka gobolka, Maayorka Degmada saylac, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Saylac, xubno kamid ah Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Saylac, Cuqaal haween iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Waxaana munaasibadani ka hadlay Idil Maxamuud Cabdule oo kamida haween ka faa’daystay fursadani iyo Sh. Maxamed Daahir Rayaale oo isna ka mida Farsamo yaqaanada ka faa’iidaystay  Barashada xirfada korontada, waxaanay sheegeen inay mudadii labada bilood ahayd ay wax badan barteen balse waqtiga oo koobnaa awgeed waxbadan u dhiman yihiin,waxayna islamarkaana codsadeen in loo kordhiyo waqtiga.
Badhasaabka Gobolka Salal Mudane C/rasaaq Waabari Rooble ayaa isaguna ka hadlay muanaasibadaasi waxaana hadalkiisi kamid ahaa ”Waxaa sharaf noo ah mar hadii wixii aad barteen durba aad sheegteen inaad ku camal fasheen waa ILLAAHAY  mahadii.”
Dhinaca kale, waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maayorka Degmada Saylac Mudane Xuseen waxaanu yidhi “Tani waxay ka mid tahay siyaasada hufan ee Madaxweynuhu u dejiyay in lasmeeyo maamul daadejin.” ugu dambayn waxa  halkaasi shahaadooyin lagu gudoon siiyay 32-kii xubnood ee tabobarkaasi  dhamaystay.

By. Maxamed Cawaale Daahir.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply