Baarlamaanka Ingiriiska oo Aqbalay Hab Cusub oo Dhalmo

0
370

Britain ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay adduunka ee ogolaada in habka loo yaqaano IVF-ta ee caruurta lagu qaado, lagu sameyn karo iyadoo la adeegsanayo hidosidayaasha sadax ruux.
Xubnaha mudanayaasha Parlamaanka Britain ayaa cod muuqdo oo aqblabiyad ah ku taageeray habkan oo seynisyahanadu sheegeen inuu ka hortagi karo cudurada dilaaga ee la kala dhexlo inay ka gudbaan hooyada oo ay cunuga gaadhaan.
382 mudane ayaa taageertay halka 128 ay ka soo horjeesteen.
Kooxaha diinta ayaa tallaabadan ku diidan sababo anshaxeed iyo badbaado.
Ra’iisul wasaare, David Cameron, ayaa sheegay inuu taageerayo isbadalkan sababtoo ah isaga  wuxuu fahamsan yahay dhibaatada waalidka ay la kulmaan marka ay caruur xanuunsan haystaan maadama uu isagaba dhalay dhowr caruur oo naafo ah.

Leave a Reply