Macluumaad ku saabsan Weerar ka Dhacay Nayjeeriya

0
419

Bil kaddib markii uu dhacay weerarkii ay Boko Haram ku qaaday magaalada Baga ee waqooyi bari ee dalka Nigeria ayaa BBC-da waxa markii ugu horaysay u suurtagashay in ay la hadasho dadka degaanka oo isku dayey in ay iska dhiciyaan mitidiinta soo weeraray.
Waxay u sheegeen in ay isku dayeen in baangado kala hortagaan kooxda weerarka soo qaaday oo ahayd koox aad u hubaysanayd.
Weriye BBC-da ka tirsan ayaa sheegaya in ay adagtahay in la ogaado tirada dadka ku dhintay weerarkaasi balse waxa uu intaasi ku daray in gaadhayso boqolaal oo aanay ahayn kumanaan.
Weriyaha ayaa waxa uu la kulmay dad u sheegay in weerarka uu ahaa mid socday mudo saacadaha, oo xitaa kooxda boko haram ay dadka ku laynaysay baabuurtooda
Waxay u sheegeen in dadka dhintay ay u badnaayeen dumar iyo caruur
Dad badan oo kale ayaa u talaabay dalalka deriska ah
Warbixintana ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo isniintii qof dumar ah oo isu soo rakibtay waxyaabaha qarxa ay ku dishay magaalada Gombe saddex qof.
Weerarkaas ayaa waxa uu dhacay daqiiqado yar kaddib markii madaxweynaha dalkaas uu ka tagay goob uu khudbad ka jeediyey oo ku dhowayd goobta uu qaraxa ka dhacay.
 

Leave a Reply