Booliska Oo Soo Bandhigay Tirada Dhalinyarrada Loo Dhaadhiciyay Jeelasha Goboladda

0
438

Hargeysa (Dawan) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay xukunno lagu riday illaa 53 ka mid ah dhalinyarrada abaabulan ee rabshadaha ka sameeya caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo lagu kala dhaadhiciyay jeelasha ku yaala gobolada dalka.
Waxa kale oo ciidanka Boolisku sheegeen inay dhawr iyo afartan kalena maalmaha soo socda la xukumi doono,sidaasna waxa warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Booliska  Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax, oo shalay ka warbixiyay kulan ay xarunta Dawladda Hoose ku yeesheen Taliyaha Ciidanka Booliska, Maayar Ku xigeenka Hargeysa iyo Guddiyada nabad-gelyada ee degmooyinka caasimada, kaasi oo lagaga arrinsanayay sidii loo sii adkayn lahaa ammaanka magaalada.
“Shirkan maanta (shalay) lagu qabtay  Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa wuxuu ahaa sidii ay iskugu xidhimi-lahaayeen waaxyaha arrimaha bulshada iyo Boolisku oo ay dhinac uga soo wadda jeedsan lahaayeen Nabadgelyadda, la dagaalanka Mukhaadaraadka iyo wax kasta oo anshax-xumo ku ah umaddeena sidii la iskaga kaashan lahaa oo gacan bir ah loogu qaban lahaa ayaa la iskugu yimid,”ayuu yidhi Afhayeenka Boolisku waxaanu intaas ku daray “Waxa  la isku afgartay  sidii  Dhalinyarradan mushkiladaha keenaysa gacan bir ah loogu qaban lahaa waa la isla gartay ,waana la isla fahmay, 53 wiil  baa la xukumay oo Xabsiyo kala duwan oo dalka ka mid ah loo kala  gudbiyay dhawr iyo afartanna hadda gacantaanu ku haynaa.”
Afhayeenka Boolisku waxa uu ku dooday in aan loo jixin-jixi doonin dhalinyarrada qas-wadeyaasha ah, waxaanu ydihi “Saacada aan idinla hadlayo qaar baa la qabtay, Waalidiinta  waxaanu leenahay  ubadkiina haddii aad qabsan weydaan waa la idiin qabanayaa oo Dawlad iyo nidaam baa jira, waxa weeyaan Waddanku fawdo noqon-maayo , Inankana waa la qabanayaa waana la edbinayaa sharcigaana la hor-geynayaa taasaa keentay kulankan la iskugu yimaado lagana wada-tashaddo.”
Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed  Xaashi (Cagaweyne) ayaa isna sheegay in Booliska ay ka wadda-hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa adkaynta Nabadgelyadda, waxaanu yidhi “Waxa halkan iskugu yimid Booliskii Somaliland oo uu hogaaminayo Taliyaha Boolisku oo aanu halkan ka hambalyaynayno, Afhayeenka Booliska iyo labadda taliye qaybeed, 13 taliye Saldhig Boolis, dhammaan sideedda Guddoomiye degmo ee Caasimaddu ka kooban tahay  iyo dhammaan Guddiyadda Nabadgelyadda Caasimadda oo ah dadkii matalayay shacabka ku dhaqan Hargeysa, waxaanu ka wadda hadlaynay sidii kor loogu qaadi-lahaa Nabadgelyadda, waxaanu daba socday shirkii kan ka horeeyay oo aanu Nabadgelyada Caasimadda kaga hadlaynay.”
Maayarku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Waxaanu halkan ka balan-qaadaynaa in amaanka  Caasimaddu aanu ilaalin doono  oo aanu ka war hayn doono, haddii ay tahay Kantarooladda laga soo gelayo Magaaladda, haddii ay tahay Guryaha la kiraysanayo iyo haddii ay tahay dadka Gadiidka raacaya oo aanu la socon doono dhaq-dhaqaaq kasta oo ka dhaca Caasimadda sidaanu horeba ugu soconay, feejignaan dheeraad ahna waanu samayn doonaa.”
“Waxaanu  dadka ka wacyi-gelinaynaa marka dabdamisku idiin soo gurmaddo ha shiidina, waxaanu balan-qaadaynaa inaanu xoojin doono amaanka  Caasimadda,”ayuu yidhi Maayar Ku xigeenku.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply