“Maan Odhan KULMIYE Waan Ka Baxay, WADDANI-na Kuma Socdo” Cabdilaahi Jawaan

0
439

Hargeysa (Dawan)- Siyaasiga Cabdilaahi Xaaji Cabdi Cumar (Cabdillaahi-jawaan), ayaa waxba kama jiraan ku tilaamay warar sheegay inuu ku biirayo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu tilmaamay in uu hadda ka tirsan yahay Xisbiga taladda haya ee KULMIYE.
Cabdilaahi Jawaan oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu beeniyay warar ay baahiyee qaar  ka mid ah Warbaahinta , kuwaas oo sheegay in Madaxweynuhu xil Wasiirnimo ah u magacaabayo.
Siyaasiga  Cabdilaahi-jawaan oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Markii aan Komishanka iska casilay Xisbiga aan ku biiray waxa uu ahaa KULMIYE, ilaa haddana kamaan bixin manaan odhan KULMIYE waan ka baxay, waxaan kuu sheegayaa, WADDANI kuma socdo manaan go’aansan ilaa haddana inaan ku biro  Maskaxdaydana kuma hayo, warkasina waxba kama jiraan.”
Cabdilaahi Xaaji Cabdi Jawaan waxa uu sheegay in Madaxweynuhu xaq u leeyahay masuulka uu xil u magacaabayo, isla-markaana uu badalayo, waxaanu yidhi “Madaxweynahaa xaq u leh cidda uu xil u magacaabayo. Xilkuna wuxuu yahay imaad sheegin, anigu waxaan arkayay Shabakadda la yidhaahdo Qaran. Markaa waxaan leeyahay waxaasi waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan, Waxaanu intaas ku daray “Madaxwenuhuna isagaa xaq u leh cida uu badalayo iyo cida uu Xil u dhiibanayo, wax aniga igu haya kurbo ama aan u xusul-duubanahay ama aan leeyahay waxaasan wadaa ma jirto, Madaxweynuhuna xaq-buu u leeyahay in Ninka uu dooni uu Xil u magacaabo, Ninka uu doonana Xilka ka nasiyo, laakiin waxba kama jiraan arrintaasi.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply