Fadeexadii Facaa’ilkii Puntland, Fiiradii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Fariintii Al-Bashiirka Suudaan

0
541

Dawlad goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay cagaha la gashay  fadeexad siyaasadeed , taasi oo  hoos u dhigaysa mugii iyo miisaankii siyaasadeed ee gobolkaasi kaga jiray mandaqadda, waxaana fool-xumadaasi u soo jiiday Puntland  Wasiirka Amniga Xasan  Cismaan Aloore.
 
Mr. Aloore waxa uu jimcihii todobaadkii hore warbaahinta caalamiga ah iyo ta maxaliga ah ee Puntland-ba ku nashiriyay eedaymo beenoobay, waxa uu Somaliland ku eedeeyay inay kooxda AL-SHABAAB  ee ka dagaalanta Buuraha Gal-gala ay u gacan gelinayso saanadii Milatari ee  saarnaa  markabkii MV-Shaakir ee 24-kii Bishii hore Lagu qabtay marsadda Berbera.waxa kale oo uu af-mugii ku sheegay inay Somaliland xidhiidh la leedahay kooxaha argagixisadda mandaqada.
Wasiirka Amniga Puntland waxa hadalkiisu ahaa mid ka baxsan siiqada dublamaasiyadda, waxase kashiftay  xaqiiqda, waaqica iyo runta, dhawaaqiisuna waxa uu noqday hal-hayska ra’yul caamka Bulshadda ee maalmahan,  waxaanay  qaar ugu magac-dareen “Beentii Todobaadka Iyo Tiraabtii Wasiir Aloore.”
“Somaliland waxay  Xidhiidh dhow la leeyahay ururada xag jirka ah ee shacabka Soomaaliyeed dhibaateeya gaar ahaan Al-shabaab ,waxay u gacan gelinaysaa hubkan dekada Bebera ka soo degay  kooxda ku dhuumaaleysanaysa buuralay-da Gal-gala,”ayuu  ku qowlay Wasiirkaas waji-gabaxa siyaasadeed afkiisu u soo jiiday.
Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka  jawaab celiyay eedaha Puntland, ayaa yidhi  “Ninkaa masuulka sheeganaya ee Puntland u hadlayna hadalka uu yidhi xataa haddii col la yahay maaha in beenta intaa leeg la iska sheego, markaa caalamka ay  wax u sheegaanna wuu na kala yaqaanaa cidda ay nala xidhiidhinayaan (AL-SHABAAB)  kaayaga u dhow annaga(Somaliland) iyo Puntland.”
 
 
Markabkii MV-Shaakir Habeen hore ayuu ka shiraaqday Marsadda Berbera ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu tixgeliyay Madaxweynaha Dawladda Suudaan oo qoraal rasmi ah  oo uu u soo qoray madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in saanadaas ciidan ee markabkaasi lagu qabtay ay leedahay dawladiisu isla markaana uu u socday carwo hubka lagu soo bandhigayo oo lagu qaban doono dalka Imaaraadka Carabta oo ay ugu tallo galeen inay ku soo bandhigaan noocyada saanada milatari ee dalkooda lagu farsameeyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu  xeeriyay dalabka dhigiisa Suudaan, waxaanu faray in Markabkaasi loo sii daayo, maadaama oo  ay xaqiiqowday   in hubka  iyo saanadaasba ay lahayd Suudaan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu muujiyay masuuliyad iyo xil-kasnimo, waxaanu si ficil ah u muujiyay in aan xeebaha dalkiisa la soo marin Karin wax hub ah oo sharci darro ah oo Nabad-gelyadda  mandaqadda Geeska Afrika lagu tumaatiyi karo. Taasina waxay ka turjumaysaa  heerka bisaylka dawladnimo ee Somaliland gaadhay.
 
Hadal tiradda   Puntland waxay noqonaysaa mid la macno ah murtidii Soomaaliyeed ee ahayd “Beentaada Hore, Runtaada Dambe ayay dishaa.” Waxaan taasi uga jeedaa sidee mustaqbalka loo rumaysan doonaa Wasiir Aloore iyo mid kaleba oo ka tirsan Puntland oo Somaliland u soo jeedinaya eedaymo lagu xajiimayno  dawladda Somaliland.
Eedihii Wasiir Aloore, waxay noqdeen  mid ay hoosta ka xariiqeen dawladaha urur-goboleedka IGAD jyo  Ururka midowga Afrika, ee sida dhow ula socday wararkii isa soo tarayay ee ku  saabsanaa saanadii saarnayd markabka MV-Shaakir oo qudhiisa ganaax lacageed lagu riday maadaama oo  isaga oo markab ganacsi ah lagu qabtay  hub iyo gaadiid dagaal. Waxaanay  dhawaaqii Wasiir Aloore noqonayaan qaar gala rikoodhka modow isla markaana aanay dalalka gobolku isku halayn Karin inay dhegaha u furaan warbixinada xaqiiqada ka fog ee Maamulka C/Weli Gaas.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply