Xukuumadda Somaliland Oo Markabkii Hubka Siday Ku Fasaxday Dalab Uga Yimid Madaxweynaha Suudaan

0
410

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi  Yoonis, ayaa sheegay in Xukuumadda ahaan ay go’aansadeen in la sii daayo Markabkii MV-Shaakir ee dhawaan ku soo xidhay Dekeda Berbera iyo Hubkii saarnaaba, waxaanu tilmaamay in Dawladda Sudan ay qoraal u soo dirtay Madaxweynaha Somaliland ay ku sheegayso inay leedahay hubka saaran Markabkaasi.
Maxamed Biixi Yoonis oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, waxa kale oo uu sheegay in Hubka Markabku siday  loo wadday Carwo ku taala Magaaladda Abu-dabay ee dalka Imaaraadka Carabta.
Ugu horay Wasiirka Arrimaha dibada oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland waa Dawlad madaxbanaan oo iyadda oo aan la Ictiraafsanayn madaxbanaan oo sidii Dawladdaha u shaqaysa xilna ka saaran yahay inay ilaaliso Badaheedda iyo Biyaheedda, waad la socotaan waxaanu la shaqaynaa Midowga Yurub oo Xafiisyo ayaanu halkan ku leenahay la yidhaahdo waaxda la dagaalanka Budhacd-badeedda iyo Ciidamadda Ilaalada Xeebaha, markaa masuuliyad-baa inaga saaran in dalkeena Baddihiisa ilaalino iyo wixii soo gelaya-ba.  Markabkaasi wuu soo galay oo sidii uu Wasiirka Arrimaha gudduhu idiinku sheegay wuxuu siday Hub.  Hubkii waanu aragnay waanan qabanay Masuuliyad-baanay iska saareen Wasiirka Arrimaha guddaha, Dawladeena iyo Sirdoonkeenuba, waxay soo xaqiijiyeen xaqiiqdu siday ahayd markaanu ku kalsoonaanay xaqiiqdu siday tahay waxa Dawladda Somaliland la soo xidhiidhay Madaxweynaha Dawladda Sudan, waxaanu xaqiijinay in Markabkaasi uu ku socday Magaaladda Abu-Dabay ee Dalka Imaaraadka Macrad ku yaala.”
Wasiirku waxa uu intaas ku daray  “Markaanu xaqiijinay oo aanu hubinay oo UN-ka iyo Hay’addihii caalamka u sheegnay , iyadda oo aad ogsoontihiin in daacayaddo badan oo aan munaasib ahayn laga sheegay waxaanu go’aansanay oo Madaxweynuhu soo xaqiijiyay in Markabkaasi uu siday sideed nooc oo Hub kala duwan ah oo Dawladda Imaaraadka iyo Macradkii ay nala soo xidhiidheen oo war sugan uu soo helay Wasiirkeena Arrimaha gudduhu. Madaxweynaha Somaliland waxa uu go’aansaday inuu tixgeliyo warqadii Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir uu soo diray, sidaa awgeed baanu ku fasaxnay Markabka, Dawladda Sudana waa Dawlad aanu walaalo nahay oo aynu jaar nahay oo cilaaqaad badani inaga dhexeeyo oo Arday badan oo reer Somaliland ahina Jaamacadahoodda wax ku bartaan cilaaqaad weyna aanu la leenahay, markaanu ku qanacnay Warqaddii Madaxweynaha Sudan soo diray ee Madaxwenaheenu arkay oo uu soo xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha gudduhu, waxaanu go’aansanay in aanu Markabkii sii dayno.”
Wasiirka Arrimaha dibadu waxa uu sheegay in Dawladda Sudan ay soo xaqiijisay inay leedahay Hubka saarnaa Markabka, waxaanu yidhi  “Dawladda Sudan wey soo cadaysay, Dawladda Somaliland waxay u dhaqantay sidda caalamka iyo Dawladihiisa, ma nihin dal yar oo meel gaar ah ku yaala Beesha caalamkaynu ka mid nahay, marka ay Wasaaraddeena Arrimaha guddaha, Sirdoonkeenii, Maamulka Dekedda iyo Ciidankeena ilaadda Xeebaha ee Madaxweynihiina Warqad loo soo qoray, waxaanu go’aansanay in aanu sii dayno Markabka oo aanu ku qanacnay warkaasi nala soo siiyay. Hubka uu sidayna sideed nooc oo kala duwan bay ahaayeen, marka alaabta lagu rarana sidda ugu dhakhsaha badan-buu Markabku u bixi-doonaa.”
Wasiirku sidoo kale waxa uu sheegay in aan wax ganaax ah laga qaadi-doonin Markabka Hubka siday, waxaanu xusay in Somaliland iyo Sudan uu ka dhexeeyo cilaaqaad badan, waxaanu yidhi  “Markabka waanu cafinay mana ka qaadayno wax ganaax ah, maadaama oo Dawlad aanu walaalo nahay leedahay Hubka saarnaa Markabka cilaaqaadna naga dhexeeyo , ganaaxii waanu ka dhaafnay waanan sii daynaynaa Markabka waanu baxayaa oo Somaliland iyo Dawladda Sudan-na cilaqaad badan-baa ka dhexeeya, aniguna 7 sannadood baan joogay oo Ninka UN-ka qaybta ugu weyn haysta ayaan ahaa, cilaaqaad wanaagsan-baa inaga dhexeeya Ardaydeenuna si wanaagsan bay wax uga bartaan Sudan hawlahaasina waanu ka wadda hadali-doonaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply