Buuraha Barafka Ma Rooxaanbaa Ku Nool?

0
447

Sanadkii 1950-kii  2 nd  Feberweri, ayaa  buurta Mansi oo ka mid ah silsilada buuraha Ural ee ku yaalla Ruushka  ay  ku dhinteen sagaal qof oo ka mid ahaa kooxda ciyaaraha barafka waayo aragga ku ah. Shilka ayaa ka dhacay dhinac bari ee buurta oo lagu magacaabo Mansi oo macnaheedu yahay buurta dhimashada (Kholat Syakhl) ee dalka Ruushka. Wixi wakhtigaasi ka danbeeyay buurta waxa lagu magacaabay Egor Dyatlov  oo ahaa ninkii hogaaminayay 9 baraflayda ah.  Kooxdaasi markii ay gaadheen buurtaasi  ayay duufaano iyo dabaylo jiray awgeed ay goosteen inay Tendhooyin dhistaan oo ay socodka buurta dusheeda hakiyaan ilaa maalinka danbe.
Waxay ahayd inay war (telegram) usoo diraan tababarahooda laakiin markii wax war ah laga waayay muddo 10 maalmood ah  ayay Koox samafalayaal ahi soo kaxaystay Dayuuradaha helicobterka si loo badbaadiyo kooxdii barafalayda ah ee la waayay.

Kooxdan ayaa helay Teendhooyinkii ay ka dhisteen buurta dusheeda oo googo’n, waxa kale oo ay heleen kabo iyo sharabaado qof ka mid ah ragaasi. Meel u dhaw teendhooyinkana waxay ka heleen laba qof oo mayd ah, oo xidhan dharkii hoose oo keliya. Meel aan sidaasi uga sii fogayna waxay ka heleen 3 nin oo kale oo iyana mayd ah oo sida kuwaa hore xidhan dharkii hoose oo keliya. Laakiin afartii kale waxay ka heleen barafka hoostiisa markii ay qodeen,  iyagoo xidhan dharkoodii caadiga ah. Waxase yaab noqotay  dhamaantood indhaha lagaa riday, feedhahana waa la jebjebiyay, qaarkoodna weji ayaa la bedelay, carabkana waa laga jaray, iyagoo dhudhumadana la jejebiyay. Sida ay baadhista dakhaatiirtu cadeeyeen dhibta ku dhacday Maydadkan ayay sheegeen inay la mid tahay sidii dad uu jiidhay baabuur xawaare sare ku socdaa, waxase iyana yaab noqotay in baadhitaanku cadeeyay in jidhka maydka ay ka muuqato shucaac xoogan oo ku dhacay. Markii hore baadhayaasha ayaa xu maleeyay inay buurta ka dhacday Qarax burbur baraf ah oo uu kaasi sababay geerida kooxda. Haddana waxa loo waayay wax fasiraad ah indhaha iyo goboladan jidhka ee googan ama jajabay….   (Source    Daily mail 24 August 2013). (Dead mount book) ( eng.Wkeipedia.org).
 
 

Leave a Reply