Subixii Oo Sonkor Lagu Quraacdaa Waxay Keentaa Xanuuno Badan

0
376

Daraasad cusub oo ay dhowaan samaysay jaamacad ku taala wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in subixii oo lagu quraacdo waxyaalo sonkor lihi inay keento xanuuno kala duwan,gaar ahaana caruurta oo la sheegay inay khatar badan ku tahay.
Daraasadan ayaa lagu sheegay in caruurta wadankaasi Maraykanku ay subixii  kuwo badan oo kamid ahi ku quraacdaan waxyaalo sonkor leh,gaar ahaana 40% kamid ahi ay ku quraacdaan cunto diyaarsan oo sonkor badani ku jirto,taas oo qaybo kamid ah laga soo iibsado suuqyadda,halka 20% kamid ahina ay gacantooda ku diyaarsadaan cuntooyin sonkor badan leh,iyaga oo fududaysanaaya  samaynteeda.
Cuntooyinkan ayaa la sheegay inay keenaan xanuuno badan ,madaama oo sonkor badani ku jirto,iyada oo sonkortaasi ay keento waxyaalo ay kamid tahay buurni xad dhaaf ah ,macaan iyo xanuuno kale oo badan.
Waxaanay daraasadu xooga saartay sidoo kale helitaanka iyo muhiimada ay lee dahay cunto caafimaadka u wanaagsan oo la helaa,waxaanay tusaale usoo qaateen cunitaankooda iyo muhiimada ay caafimaadka u lee yihiin ,waxaana kamid ah Malabka,Timirta,Khudaarta iyo waxaalaha gaska leh,kuwaas oo laga faa’idaayo tamar ,siday kooxdani sheegeen.
Waxaanay kooxdani ka digeen inay subixii ku quraacdaan dadku,gaar ahaana caruurtu waxyaalaha ay Sonkorta ka sameeyaan,kuwaas oo aanay si dabiici ah ugu jirin.
 

Leave a Reply