Wasiirro Ka Hadlay Go’aan Madaxweynuhu Ka Soo Saaray Dhul Lagu Murasanaa

0
359

Hargeysa (Dawan) – Xukuumadda Somaliland iyo Madaxdhaqameedka deegaanka Masallaha ee magaalada Hargeysa,  ayaa si rasmi ah u soo afjaray muran maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dhulka Masallaha ee ku xeeran Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport iyo Xerada Milateriga.
Wasiirrada Warfaafinta, Gaashaandhiga, Madaxdhaqameedka deegaankaasi iyo Guddida deegaankaasi ayaa shalay  si wadda jir ah Warbaahinta ula hadlay, waxaanay sheegeen in lagu guulaystay in la soo afjaray murankii ka taagnaa dhulkaasi.
Ugu horay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaasi ka hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Muran maalmahan ka soo baxay dhulka Masallaha ee Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal iyo Xerada Milateriga Gees ku xeeran, dhulkaasi Guddidii dhulka ee Madaxweynuhu u saaray, Ciidankii meesha deganaa iyo dadkii deegaanku halkaa ay isku maadhaafeen , nasiib wanaag maanta arrintaasi wey dhamaatay waxaanay ku dhan tahay Madaxweynaha oo go’aan cad ka soo saaray oo sheegay in dhulka danta guud uu maamulayo oo Xukuumaddu maamulayso oo ay gacanta ku haynayso, Madaxweynuhuna uu yahay ka leh go’aankeeda u dambeeya cid kale oo iskeed ugu tagri fali kartaana aanay jirin walaa Milateri, walaa Shacab iyo Guddi dhuleed oo kale oo inta Madaxweynuhu go’aamo cadcad oo baahida qaranku u qabo ah ayuu ka soo saaray. Maanta (shalay) waxay Xukuumadda, Guddidii deegaanka, Culimada  iyo dadka deegaanku ay isla garteen inay sidaaasi arrintaasi ku dhamaatay.”
Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isna sheegay in in uu soo afjarmay murankii ka taagnaa dhulka Masallaha, waxaanu yidhi “Waxa halkan la iskugu yimid oo Beesha deegaankan madax iyo mijaba iskugu yimaadeen in arrinkaasi la is wada gaadhsiiyo, amarkaana loo hogaansamo sidaasaanu arrinkii ku dhamaaday, khilaaf dambe oo ka imanayaana ma jiro.” Ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Sidoo kale X. Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankan lagu soo afjaray khilaafkii ka taagnaa dhulkan, waxaanu yidhi “Dad iyo duunyo wixii ay Xukuumaddu garatay ayaanu garanay oo ku raacnay, wax hadlay iyo ka wax sheegaya ee Daaraha dhistay Xukuumaddaa xukunta oo ka ay wax siinayso iyo ka ay wax ka qadinaysana iyadaa Xukuumaddu taqaana.”
Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir ayaa sheegay in Madaxweynuhu go’aan sax ah uu ka qaatay murankii ka taagnaa dhulka Massalaha, waxaanu tilmaamay inay Xukuumadda ku taageersan yihiin in dhulkaasi laga dhigo mid dan guud ah, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuryada Somaliland waxaanu ugu mahadnaqaynaa go’aankaa xalaasha ah ee uu ka qaatay dhulkii danta guud ee muranku ka taagnaa, anaga, Suldaanka iyo Guddiduna wey ku taageersan tahay inay danta guud ee qaranka ahaato aad-baanay u mahadsan-yihiin.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply