Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Baaq u Diray Garsooreyaasha Dalka

0
375

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa Garsooreyaasha dalka ugu baaqay inay xukunada ay ridayaan ay noqdaan qaar ay ku qanacsan yihiin isla markaana ay cuskanayaan xeerarka dalka u yaalla.
Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad loo sameeyay dhalinyarro ka qalin jabiyay kuliyadaha shareecada ee jaamacadaha dalka, isla markaana qaatay tababar sharci muddo toban bilood ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.
“Garsooraha waxa  laga doonayaa waxa weeyi in qalinkiisa iyo fikirkiisa uu go’aamiyo markuu ku qancay isagoo cuskanaya  xeer,”ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil.
Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil waxa uu sheegay in aanay xukaamtu  u madax banaanayn inay xukumanaan qof dambi aanu ku cadayn, waxaanu yidhi  “Haddii uu xeer ilaaliye yahay-na waa  inuu oogo dambi uu xaqiiqsaday fal xeerku  uu u aqoonsan yahay dambi, awooda xaakiminimadana xad bay leedahay madax banaanida xaakimka ee la leeyahay xor baad tahay garsoorow, waxa lagaa rabaa inaanad eexan.Garsooruhu uma madax banaana inuu xukun ku rido qof aan dambi ku cadayn, ama uu sii daayo mid dambi ku cad yahay.”
Wasiirka  cadaalada Xuseen Axmed Caydiid isaga oo ka war bixiyey faa’iidada laga dhaxlayo tabaca la galiyey garsoorayaashan. “Waxaan rajaynayaa  inaad noqotaan runtii kuwo aanu ku faanno sidaanu imika ugu han- weynahay beritana aanu ugu faanno oo aanu nidhaahno waa dadkii aanu wax soo tarnay ee aanu ku soo darnay garsoorka. markaa waa inay noqotaa garsooruhu marka uu go’aan gaadhayo inuu dhowr goor dib u fikiro oo ka go’aan gaadhaanaa  go’aanka uu ridayo,”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa ofice

Leave a Reply