‘Waxaan Caddaynayaa In Komishankani Daacad Yihiin Oo ay ka Go’an Tahay Inay Doorashadii Qabtaan’

0
422

Hargaysa (Dawan)- Hoggaanka saddexda Xisbi-qaran ee Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka, ayaa shalay  wada yeeshay kulan ay albaabadu u xidhnaayeen oo diiradda lagu saaray sidii meel la isula dhigi lahaa doorashooyinka dalka ka qorshaysan sannadkan.
Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Hoggaanka sare ee Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa saacado qaatay, waxaana diirada lagu saaray sidii la isula meel dhigi lahaa qabashada doorashooyinka soo socda oo dhicitaankooda wali aan si fiican la iskugu  dubo ridin.
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday  waxaa saxaafada si wada jira ah ula hadlay madaxdii ka kala socotay saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, waxaana ugu horeyn madashan ka hadlay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed kana warbixiyey ujeedada kulankan iyo waxa uu ku saabsanaa kulankan, waxaanu yidhi “sidii aanu hore u sheegnay gudida doorashooyinku waxay gacanta ku hayaan, qabanqaabadii iyo diyaarintii hawlaha doorashooyinka iyo wakhtigii ay ku soo dhammayn lahaayeen”.
“Xisbiyadana marba waxay kala kulmaan inay warbixin ka siiyaan xaalada iyo hawshooda meesha ay mareyso, maantana saddexda xisbiba waanu dhanahay, waxaanay Komishankan ku warbixin naga siiyeen hawlihii qaban qaabada doorashooyinka qaranku meesha ay marayaan, xisbiyaduna wixii ay talo ku biirinayeen ayay iswaydaarsadeen. Arrinkaasina wali waa qabyo hawsheeduna way socotaa dhamaystirkeeda marka ay dhamaystiranto Komishanka soo jeedinaya.” Ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxaanu intaa raaciyay “Hase ahaatee, saddexda xisbi qaran iyo Komishanka doorashooyinku barnaamijka waanu ka wada shaqeynaynaa si aad iyo aad u wanaagsan is-afgarasho leh, kalsooni leh, daacadnimo leh, wada jir leh ayaanu uga shaqeynaynaa.
Waxa kale oo isna madashaa ka hadlay Cali  Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)  oo ah guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID waxaanu sheegay in gudida doorashooyinka qaranku si hagar la’aan ah  ay ugudanayaan hawsha ay qaranka u hayaan, waxaanu yidhi “Waa markii ugu horeysay ee aanu la kulano Komishanka doorashooyinka Qaranka, waxaanan idin cadaynayaa inuu Komishankani Komishan heer sare ah yahay, oo ay ka go’an tahay, daacadna ka yihiin inay dalkan ka qabtaan doorashooyin xor iyo xalaala, wakhtiga ugu horeysa ee suuragala, si wayn baananu ugu qanacnay hawlaha aan wali noo dhamaana ma jeclin in aanu warbaahinta ka sii deyno Insha Allaa markay dhameystiranto ayaanu si buuxda idiinka warami doona, waxaana ka mida (road map-kii) si fiican baanay gacanta ugu hayaan, wixii iyaga ku xidhnaa odhana way dhamaystireen, waxaanay noo sheegeen inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dhameystirayaan, taasina waanu ku qanacnay.”
Mudane Cali Guray waxa kale oo uu intaa raacaiyay “Waxa kale oo wada shaqeyntayadu ay tahay inay sidaas noqon doonto iyo sida ay iyagu isugu xidhan yihien ee ay u mideysan yihiina iyo sida ay u daneynayaan inay xaalada taagan ee doorashada ay ka saaran intii Komishankan ina soo martayna kani waa Komishankii uu heerka sareeyay.”
Sidoo kae waaxa isaguna halkaasi ka hadlay Dr. Maxamed Cismaan oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanu sheegay inay si weyn ugu qanacsan yihiin sida tooska ah ee gudida doorashooyinka Qaranku u wadaan hawlaha doorashooyinka Qaranka.
Isaga oo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa ugu muhiimsan in Komishanka intii la soo doortay ee ay shaqada qabteen inay u yeedheen xisbiyada madaxdooda una warameen maanta, ugana warameen meesha ay wax marayaan iyadoo dadweynuhu war badan ka sugayeen.
Warka ugu muhiimsan ee ummada oo dhami sugeysaana u ahaa in wakhtigii doorashada iyo diiwaangelinta inay isagoo dhameystiran u soo bandhigaan, wixii ay nooga warbixiyeeena waanu ku qanacnay, waananu ka sugeynaa, imikana waxa la marayaa wakhtigii xataa hay’adihii caalamka shirar ay wadaan oo doorashada Somaliland uu maanta dadka daneeyayaashu caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliand dhaqdhaqaaqa ka socda mucaarad iyo muxaafidbana shirarka dhegta u taagan, dariiqeedana waa la helayaa, waxaanu leenahay warbixin baanu ka helnay, waananu ku qanacsanahay inay faraha ku hayaan, wax alaale wixii kale ee hawla socdana waxaanu ka wada balan qaadnay in laga wada shaqeeyo, mar walbana xisbiyada uga warbixiyaan si ay iskula jaanqaadaan meesha xaaladu mareyso oo aany dadku jaho wareerin waxa dibadaha ka dhacaya.”
By: Khadar M.Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply