“Mucaaridka Waxaan Leeyahay Haddii Aanu Helno Noo Haneeya, Haddii Aad Heshaanna Waanu Hanaynaynaa”

0
394

Hargaysa(Dawan): Marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa sheegtay inay waxqabadka muuqda ee ay qabteen ay dadkooda ku waydiisanayaan inay ku doortaan. Waxa kale oo ay mucaaridka ugu baaqday inay ka waantoobaan aflagaadada iyo wax xun sheega.
 
Marwadda koowaad waxay sidaasi ku sheegtay khudbad ay ka jeedisay xaflad khamiistii lagu qabtay Hargeysa oo lagu soo bandhigayay waxqabadkii u hirgalay ururka Haweenka qaranka ee NOW.
 
 
“Dimuqraadiyad baynu qaaday, doorashooyinka  soo socda wax-qabadkayaga ayaanu dadkayaga odhanaynaa nagu doorta, markaa  mucaaridka waxaan leeyahay haddii aanu helno noo haneeya, haddii  aad idinku heshaanna waanu idiin hanaynaynaa, dalkana waynu wada leenahay, markaa aflagaadada, xaasidnimada iyo hadalka xun aynu iska dayno oo waxa wanaagsan sheego,”ayay tidhi Marwo Aamina Waris.
 
Marwadda Koowaad waxay ku bogaadisay Hoggaanka ururka NOW, wixii u qabsoomay, waxaanay tidhi  “Guul iyo sharaf bay u tahay maamulka ay madaxda ka yihiin Aniisa iyo Sitiin iyo Ubax, iyo intii  la shaqeenaysay, sharaf iyo guul bay u tahay in halkan ammaan looga soo jeediyo.  Wax-qabadka runta siday tahay haddii uu yar yahay iyo haddii uu badan yahayba isaga ayaa is-muujiya, qof xaasida iyo qof ka aamusaba iyo qof yidhaahda wax lama qabanba, haddii ay ta dawladda  tahay iyo haddii ay ay tahay tan ay Ururka NOW qabteen-ba, waa wax muuqda, waa wax cad oo la taaban karo oo cidna indhaha ka qarsan Karin.”
 
 
 
Sidoo kalena, Gudoomiyaha ururka qaranka ee Now Aniisa Nuur Cigaal ayaa ka war bixisay wixii u qabsoomay waxaanay tidhi “Ururka qaran muddo dheer ayuu soo jiray annaga wuu naga horeeyey, madaxwayneheenii Cigaal Alle ha unaxariistee ayaa sameeyey, isbedal faro badan ayuu soo maray, markaa wax-qabadka xukuumadda samaysay, kaayaguna wuu la socdaa, ururka qaranka NOW degmo walba iyo gobol walba waanu gaadhsiinay, iyadoo Degmooyinka caasimada lix meelood aanu ka sameenay, isbedelkaas aanu samaynay iyo wixii noo qabsoomay marwadda koowaad garabkayaga ayay taagnayd.”
 
 
Gudoomiye ku xigeenka ururka qaranka ee Now Sitiin Xasan Jaamac, ayaa sheegtay inay  ku dedaaleen sidii ururkoodu  laamo ugu yeelan lahaa gobolada dalka oo dhan, waxa kale oo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku ammaaneen inay ururka NOW ay aad ugu kordhiyeen miisaaniyad sanadeedka ay ku hawl-galaan.
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply