Maayarka Boorame Oo U Han-jabay Ashkhaas Uu Ku Eedeeyay Inay Fidmo ka Wadaan Gobolka Awdal

0
395

Boorama, (Dawan)- Maayarka magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha amniga magaaladaas, waxaanu sheegay xaaladda ka taagan galbeedku ay tahay arrin u taala oo qorshe leh isla markaana aan la ogolaanayn inay saamayn ku yeelato ammaanka gobolka iyo guud Somaliland.
Sidoo kale waxa uu Maayarku tilmaamay in ciidamada amnigu aanay u dulqaadanayn wax kasta oo amniga ku lidi ah.
Waxa kale oo uu Maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ka codsaday culimo-awdiinka, salaadiinta iyo masuuliyiinta bulshadaba inay ku waaniyaan dadweynaha ilaalinta amniga iyo ka wada shaqeyntiisaba.
“Baryahan dambe waxa badan dadka caadeystay inay nabadda waxyeelaan oo ay ka dibna u magac bixiyaan oo ay yidhaahdaan waxa farta lagu godayay dhinaca galbeedka, arrintaas waanu ka digaynaa, waxaanan u sheegayaa in ciidanka amniga, maamulka gobolka iyo ka degmaduba aanay u dulqaadanayn cid dadka ku soo dhex dhuumata oo amniga juq-juqaysa.” Ayuu yidhi maayarka oo shalay dadweynaha kula hadlay masaajid ku yaalla magaalada Boorama oo uu kula tukaday.
Maayarku isaga oo hadalkiisa watay waxa uu intaas ku daray, “Arrinta dhinaca galbeedku waa arrin qaranka u taala, qorshaheedana leh oo aan la ogolaanayn inay amniga wax u dhinto, waxase ka sii daran kuwa gudaha Boorama ku jira ee damacsan inay gudaha fidno ka abuuraan, waxaasi waa mustaxiil, nabadgelyo ayaa loo baahan yahay, haddii nabaddu xumaatana, caruurta, haweenka, safarka iyo gabi ahaan horumarkaba way taabanaysaa, ka maamul ahaana waxa aanu go’aan ku gaadhnay inaanu faro bir ah ku qabano cid kasta oo amniga qodax ku ah.”
Maayarku waxa uu farriin u diray culimada iyo dadka hal-doorka ee gobolka Awdal, isagoo xusay inay bulshada ka wacyigeliyaan amniga iyo muhiimadiisa, waxaanu yidhi, “Waxa aan ka codsanayaa, culimada, salaadiinta iyo xil-sideyaasha bulshadaba inay dadka ka waaniyaan falalka amniga wax u dhimaya, isla markaana la iska kaashado sidii amniga loo sugi lahaa, bulshadana loogu sheegi lahaa inay ka shaqeeyaan amniga”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply