Masuuliyiin ka tirsan sharkada BP ee laga leeyahay dalka Biritin ee soo saarta saliida kana hawl gasha wadamo badan ayaa sheegay inay soo waajahday hoos u dhac dhinaca faaiidada sharkadaasi ay saadaalinaysay inay hesho iyadoo ay ku sababeeyeen hoos u dhaca ku yimid saliida aduunka.
Waxayna sheegeen inay faaiidada saddex biloodkii aynu soo dhaafnay ay ahayd $ 2.2 Billion iyadoo faaiidadaasi ay hoos u dhacday boqolkiiba 10.
Sharkada yaa hoos u dhacday faaiidadeedu $ 3.6 billion taas oo muujinaysa hoos u dhaca qiimaha hawlaha shirkadda iyo kaydka saamayna ay u tahay qiimaha saliidda ee hoos u dhacay.