Shanta Madaxweyne Ee Qaarada Africa Ee Ugu Qanisan Dalalkay Xukumaan Iyo Qadarka Lacag Ah Ee Ay Leeyihiin

0
410

Badweynta dhaqaalaha ayaa ah mid midaad aragtaaba ay ta kale ka yaab badan tahay, waxaynu qoraaladeenan Xulashada Dhaqaalaha kusoo qaadanaa mawduucba mawduucuu ka soo jiidasho badan yahay kuwaas oo lagu daabaco mareegaha ka hadla arrimaha dhaqaalaha.
Waxaynu kusoo qaadanaynaa qormadan mid ka duwan qormooyinkeenii hore taas oo ah inaynu soo qaadano shanta madaxweyne ee qaarada Africa ka mid ah madaxweynayaasheeda ee ugu qanisan, qadarka lacag ah ee ay haystaan iyo dalalka ay kasoo jeedaan, waxaanay kala yihiin:
1.Madaxweynaha ugu qanisan ayaa lagu sheegay inuu yahay madaxweynaha dalka Angola kaas oo lagu magacaabo Jose Eduardo dos Santos  isagoo lagu qiyaasay hantida uu haystaa inay dhan tahay $ 20 Billion (Labaatan Bilyan oo Doolar) isaga oo xukunka dalkaas hayay muddo dhan 34 Sannadood, arinka layaabka ah ayaa ah in madaxweynahan hantidaas leh uu dalka uu maamula lagu qiyaasay in cel celis ahaan ay maalintii ay ku noolyihiin wax ka yar 1 doolar oo noqonaysa inay dadka dalkaasi ku nooli yihiin dad faqiira oo aduunka kaga jira wadamada ugu faqiirsan halka madaxweynuhoogu yahay madaxweynaha ugu qanisan madaxda Afrika.

  1. Madaxweynaha kaalinta Labaad ku jira ee ugu qanisan madaxda wadamada Afrika ayaa ah Boqorka dalka Marocco ee Maxammed VI (Maxammedka Lixaad) isagoo daalkaasi marooko xukumaayay muddo 15 Sannadood ah, waxa hantidiisalagu qiyaasay inay tahay $ 2.5 Billion (Laba Bilyan iyo shan boqol oo Milyan oo Doolar) isagoo hantidan badankeed ka dhaxlay markii aabihii uu geeriyooday oo dalka xulkumaayay sannadkii 1999.
  2. Madaxweynaha kaalinta Saddexaad ku jira ayaa ah madaxweynaha dalka Equatorial Guinea ee Teodoro Obiang Nguema Mbasogo waxaana hantidiisa lagu qiyaasay $ 600 Million (Lix boqol oo Milyan oo Doolar) waxaanu dalkaasi xukumaayay muddo 34 sanno ah, waxaanu xukunka kala wareegay adeerkii Francisco Macias oo geeriyooday 1979 kii.
  3. Madaxweynaha kaalinta Afaraad ku jira ayaa ah madaxweynaha dalka Kenya ee Uhuru Kenyatta isagoo xilkaas loo doortay muddo sannado ka hor ahayd waxaana hantidiisa lagu qiyaasay $ 500 Million (shan boqol oo Milyan oo Doolar), waxaana dhalay madaxweynihii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho ee Jomo Kenyatta.
  4. Madaxweynaha Dalka Cameroon ee Paul Biya aya ku jira kaalinta shanaad waxaana hantidiisa lagu qiyaasay inay tahay $ 200 Million (Laba boqol oo Milyan oo Doolar), waxaanu dalkaas xukumayaa muddo 31 sannadood ah , waxa dadka dalkaas ku nool lagu sheegay inay 48 % dadka ku nool dalkaasi ay ku nool yihiin faqiirnimo.

 

Leave a Reply