Sharkada Toyota Oo Ka Faaiidaysatay Hoos U Dhac Ku Yimid Lacagta Yen Ee Japan

0
370

Sharkada samaysa gaadiidka ee Toyota oo ka mid ah sharkada ugu waaweyn ee soo saara gaadiidka aduunka ayaa shaaca ka qaaday inay faaiiday  lacag gaadhaysa ilaa 2.7 Trillion oo lacagta dalka Japan ah taas oo u dhiganta $ 22.93 Billion oo doolar taas oo noqonaysa inay faaiiday lacag ka badan faaiidadii xiligan oo kale ee sannadki aynu soo dhaafnay oo ahaa 2.5 Trillion lacagta Yen ee Japan laga isticmaalo.
Masuuliyiinta sharkada Toyota ayaa shaaciyay inay filayaan faaiido inay helaan sannadkan oo ay kor u qaadaan waxsoosaarkoodii gaadiidka ayna rajo wacan ka qabaan inay gaadhi doonaan faaiido halkii ugu saraysay.
 

Leave a Reply