Xulka Qaranka Ivory Coast Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dalkooda

0
382

Boqolaal kun oo taageere ayaa tubnaa laga bilaabo madaarka ilaa wadooyinka caasimada ganacsiga waddanka Ivory Coast ee Abidjan si ay u qaabilaan waddankoodana ugu soo dhaweeyaan xidigaha xulka qaranka maalintii Isniintii kadib markii ay soo qaadeen koobkii qaramada qaarada Afrika ee lagu qabtay sanadkan waddanka Equatorial Guinea.
Wadankan galbeedka qaarada Afrika ku yaala ayaa koobkii koobaad ee qaramada qaarada Afrika ah qaaday mudo 20 sanadood kor u dhaafaysa maalintii Axadii, iyagoo doorkana koobka ka qaaday xulka wadanka ay deriska yihiin ee Ghana rigoodhayaal 9-8 ah kadib ciyaar gool la’aan ku dhamaatay wakhtigii loogu tallo gallay.
Madaxweyne Alassane Ouattara, oo ku dhex mushaaxayay baabuur korka ka banaan sawaxankii damaashaadka habeenkii Axada, ayaa isla markiiba ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ahi tahay maalin fasax qaran ah uguna baaqay shacabka reer Ivory Coast inay isugu soo baxaan oo aakhirka isugu soo ururaan garoonka lagoon-side national stadium si ay u muujiyaan jacaylka ay u qabaan xulka qarankooda.
“Waa wax cajiib ah. Waxaanu leenahay koox iyo tabobare aad u heer sareeya oon wax loo dhigaa jirin … Shacabka Ivory Coast wuu idiin han weyn yahay,” ayuu madaxweyne Ouattara kor ugu dhawaaqay markii xulku guuleystay.
Subaxnimadii Isniineed, saacado ka hor intii aanay diyaarada khaaska ah ee siday ciyaaryahanadu soo cago dhiganba, garoonka qaadkiisu 45,000 (shan iyo afartanka kun ee kursi) ka kooban yahay , dhamaantii waa buuxay , ciidamada Booliiskuna waxay fariimaha Mobile ka ah ugu dirayeen shacabka inay guryohooda joogaan sababo amaan awgeed.
‘Tan iyo shallay indho iskuma geyn oo ma seexan, waan daalanahay hadana garoonka ayaan sii joogayaa tan iyo 6-da subaxnimo si aan u sugo oo u arko ciyaaryahanadayada,’ ayay tidhi Fatou Kouyate iyadoo wali sii taagan.
Kabtanka xulka qaranka Ivory Coast, Yaya Toure ayaa u muuqday mid faraxsan oo culays badani ka degay, kadib markii uu isku daygii lixaad ku hantiyey biladii qaramada Afrika ayaa yidh, “Markaad naadigaaga koob la qaado , waa wax cajiib ah laakiin markaad xulkaaga kula guuleysato waa xaalad aan la rumaysan karin,”
 

Leave a Reply