“Cirro Ha Iska Casilo Golaha Wakiilada Haddii Uu Doorasho Doonayo”

0
460

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa ku eedeeyay xisbiyada mucaaradka ah in aanay diyaar u ahayn in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Xildhibaan Bukhaari oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro uu umadda u caddeeyo inuu yahay murashax madaxweyne, isla markaana uu iska casilo xilka golaha wakiilada ee uu hayo.

Xildhibaan Bukhaari oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “waxa sida cadceeda u cad in xukuumadu diyaarisay wixii kaga aadanaa doorashada, haddii ay tahay kharashkii loogu talo galay diiwaanglinta iyo doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiilada, wax ku baaqday xukuumada ma jirto, waxaanay diyaar u tahay oo ay sheegtay inay diyaar u tahay in doorashooyinku qabsoomaan. “

 “Waxa muuqata in xisbiyadda mucaaradku aanay u muuqan in ay hada doorasho diyaar u yihiin sababta taa aan u leeyahay waxa weeye xisbiyada mucaaradku mid shirkii golaha dhexe qabsaday oo murasharaxoodii diyaariyay ma jiro, xisbiga Waddani oo kale waxa ay ahayd guddoomiyaha golahayagu C/raxmaan Ciro murashax madaxweyne markuu noqdo labo danood ayaa is jiidhaya oo qarankii dhaawacaya, waxaanay ahayd lix bilood ka hor inuu ka tago xilka golaha wakiilada, haddii uu doorasho doonayo C/raxmaan Ciro guddoomiyaha golaha wakiilada ayuu iska casili lahaa oo wuxuu u diyaar garoobi lahaa murashax madaxweyne oo isku diyaariyo, taasina kama muuqato, xisbiyada mucaradka inay diyaar u yihiin inay doorasho galaan, markaa in iyagu noqdaan hasha geela cunta ee hadana cabaada oo iyagoo aan diyaar ahayn yidhaahdaan xukuumadda ayaan diyaar ahayn meel ka dhac ayaan u arkaa,”ayuu yidhi Mudane Bukhaari.

By: Khadar Maxamuud Cismaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply