Waa Maxay Codsiga Loo Ogol Yahay Qofka Dil Lagu Xukumo?

0
397

Codsiga ama Cuntada ugu danbaysa ee loo ogol yahay inuu qaato kan dilka lagu xukumay ayaa ah dhaqan aan la garanayn meel uu ka soo jeedo iyo wakhtiga la bilaabay.
Dhaqanka ayaa ah in qofka la dilayo la weydiiyo waxa uu baahan yahay ka hor dilkiisa dhawr saacadood. Dalka Maraykanka ayaa loo ogol yahay qofka la dilayo inuu codsado cunto aan ka badnayan $40. Waxase jira kuwo aan laba weydiin wax ay doonaayn ka hor dilkooda sida Napileon oo wixii ugu danbeeyay ee uu cunay ahayd suntii uu ku dhintay, Satalin iyo Hitler (Ruushka iyo Jarmalka) ayaa iyana la sheegaa inay sun u dhinteen. Waxa kale oo warbaahintu sheegtay in dadka Maraykanka qaarkood ay dalbadaan in khudrad, ama Khamri iwm.
Dalabkii Odell Barnes ee dalka Maraykanka ayaa isna ahaa in la helo cadaalad, sinaan iyo nabad dunida”  Intaasi ayaan anigu u baahanay uma baahini raashin. Madaxweyihii Sadam Xuseen ee Ciraaq ayaa diiday wixii loo soo bandhigay oo dhan oo ay ka mid ahayd Hilib shiilan oo digaag, sigaar iwm waxaan uu la kulmay rabigiis isagoon waxba cunin.  Talyaaniga ayaa Sh.Cumar Al-Mukhtar ka hor dilkiisa weydiiyay waxa uu codsanayo waxaana uu codsaday in loo ogolaado inuu weyso qaato. Sidaasi ayuu sameeyay ka dibna lagu deldelay oo uu ku dhintay isgaoo daahir (Allah ha u naxariisto).
 

Leave a Reply