Xukuumadda Oo Guddiga Doorashooyinka Ku Wareejisay Kharashkii Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

0
374

Hargeysa (DAWAN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa toddobaadkan    bixisay  qaybtii kaga soo hagaagtay kharashkii ku bixi lahaa  diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka  Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada ee  la filayo inay dalka ka qabsoonto   sannadka 2015-ka, oo dhamayd 25% una dhiganta saddex milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah,  ama 18 bilyan (Sideed iyo toban bilyan oo Shilin Somaliland ah), taas oo ay xukuumaddu iyada oo dhamaystiran  ku wareejisay  Gudiga doorashooyinka Qaranka.

Warkan oo aanu ka helnay ilo wareedyo   looga qaateen ah,  ayaa waxa uu intaas raaciyey  in lacagtaas dhamaanteedba ay Wasaarada Maaliyadu si rasmi ah ugu shubtay sanduuq xisaabeedka gaarka ah ee Komishinka doorashooyinka Qaranka, haatana aanay jirin wax lacag ah oo ku dhiman dhinaca Xukuumadda, taasina ay muujinayso  sida ay xukuumadu diyaarka ugu tahay in doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan.

 Sidoo kalena waxa ay tallaabadani  meesha ka saaraysaa  Wararkii aan xaqiiqada daaha lagu saarayay ee Xisbiyadda  mucaaridku ay ku ribayn jireen xukuumadda oo ay in badan ku eedeeyeen inaanay diyaar u ahayn in doorashooyinku sanadkan ka qabsoomaan dalka, dacaayadahaasi xaqiiqada ka fog oo imika gabi ahaan-ba beenoobay.

Arrinta ay xukuumaddu ku shubtay lacagtii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ayaa dadweynaha u   xaqiijisay in siyaasiyiinta mucaaridka ahi  yihiin  hanfadeyaal aan waxba iska hubinin ee wixii afkooda ku soo dhacaba ummada la hor yimaada run iyo been midkuu doonaba ha ahaadee, ujeedadooduna  tahay  inay xukuumada dhaleeceeyaan oo keliya, taasi oo ay u haystaan in shacbigu kalsooni ku siinayo.

Dhinaca kalena bixinta lacagtani waxa ay si buuxda ugu marag furaysaa hadalkii Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliland ee uu mararka kala gedisan ku sheegay inaanu ogoleyn in maalin keliya doorashadu xiligeeda dib uga dhacdo, marka muddo xileedka xukuumadiisu dhammaado.

 Kharashka diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, ayaa waxa  hore loo kala qoon-deeyay in xukuumaddu ka bixiso qiyaasta kharashka ku bixi doona doorashooyinka 2015-ka boqolkiiba shan iyo labaatan oo ah inta ay hadda bixiyeen, iyadoo inta hadhay oo ah boqolkiiba shan iyo toddobaatan 75% ay dabaraan  dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha  ah ee Somaliland ka saacida taabo-gelita hanaanka dimuqraadiyadda.

Waxa kale oo xusid mudan sidii uu horeba u cadeeyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL Md. Cabdicasiis Maxamaed Samaalle in ay xukuumaddu hore u sii diyaarisay oo ay miisaaniyadda sannadkan ee 2015ka  ku dartay dhamaanba kharashyadii  kale ee ku baxayay  doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada oo dhan.

Tallaabada ay xukuumadda Siilaanyo ay ku bixisay kharashkii codbixiyeyaasha doorashooyinka oo aanay ka seg-saagin Guddiga doorashooyinka, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdi Casiis Samaalle uu u fududeeyay Komishanka diyaarinta lacagtaasi oo hawlaha doorashooyinka muftaax u ah. waxaanu ku dedaalay inaanay ku hawshoonin oo aanu wakhti kaga lumin inta ay dabo socdaan wasiirka maaliyadda, waxaanay komishankani ay kaga nasiib duwan yihiin Komishanadii ka horeeyay qaabka wasaaradda maaliyaddu ugala shaqeysay lacagtan, waxase dhici jiray xiligii uu Wasiirka maaliyadda ahaa Cawil Cali Ducaalle in Komishankii hore ay ugu rafaadi jireen helida lacagtaasi si la mid ah sidii ay u dabo socon jireen qaadhaan-bixiyeyaasha, iyadoo Wasiir Cawil jactadin jiray Guddigii doorashada oo uu maalinba gidaar taagi jiray.

 

 

               

Sidaa darteed, ayaa waxa si cad oo aan mugdi ku jirin u beenowday asbaabihii ay xisbiyada mucaridku ku andacoon jireen ee ahayd, xukuumadu  doonayso  inay dib u dhigto doorashooyinka, si loogu meel mariyo muddo kordhin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply