Badda Talyaaniga oo ay ku Dhinteem 300 oo Tahriibe

0
372

Ugu  Yaraan  300 oo tahriibe ayaa laga cabsi qabaa  in ay  qaraqmeen kadib markii ay  doontii la socdeen ku degtay badda meditaraneanka.
Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in hadda loo maleynayo in ka badan 300 oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Meditaraniyanka maalmihii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay ka gudbaan badda.
Qaramada Midoobay ayaa wareysatay dadkii ka soo badbaaday oo ay soo qaadeen ilaalada xeebaha Taylaaniga iyagoo biyaha dulsabeynaya.
Waxay sheegeen in tiro badan oo muhaajiriin ah oo saarnaa doon yar ay qaaday badda kadib markii ay ka soo safreen Libiya. Bishii November ayey Talyaaniga joojiyeen howlgal sanad ahaa oo lagu badbaadinayay muhaajiriinta badda ku safraya.
Hay’adda qaxootiga ayaa ka digtay in go’aankaasi uu keenayo dhimasho badan.
Wariyaha BBC-da ayaa sheegaya in ugu yaraan rubuc kuwa qatarta u galaya inay badda ka gudbaan aysan aheyn muhaajiiriin dhaqaale doon ah balse ay yihiin kuwa ka imaanaya Suuriya.
 

Leave a Reply