Dahab Sida Giriimka Wejiga Loo Marinaayo Oo Qaaradda Yurub Iyo Talyaaniga Lagu Farsameeyey Markii Ugu Horeysay

0
401

Waxa markii ugu horeysay qaarada Yurub iyo wadanka Talyaaniga laga furay rug ta laysku qurxiyo ah,gaar ahaana raga iyo dumarkuba u siman yihiin,waxaana lagu qurxinayaa dadka dahab loo marinaayo wejiga,halka waqtiyadii hore loo marin jiray giriimyo lagu qurxiyo wejiga qofkaasi ama dadka .
Xaruntan ayaa ah meel lagu sameeyey waxyaalo isugu jira dahab iyo waxyaalo kale oo buddo ah,kuwaas oo laysku daray ,lagana sameeyey dahabkaasi loogu talo galay in lagu qurxiyo wejiyadda dadka.
Khabiirad dawooyinkaasi ka hadashay oo xaruntaasi ka shaqaysa ayaa tilmaantay in dawooyinkaasi dahabka ka samaysani yihiin kuwo la marin karo laguna daweyn karo waxyaalaha indhaha hoostooda ku dhaca ,sida nabarada,sidoo kalena waxay sheegtay in lagu baabi’in karo haaraha oo kale oo ay iyagana u noqonayso daawo.
Kiriimyadan ayaa noqonaaya kuwo jidhka si fudud ula fal gelaaya,iyaga oo inta badan cadceeda soo jiidanaaya,taasina ay jidhka ka dhigayso mid dhalaalaaya,waxaanay sidoo kale dirimaad ka dhigaysaa jidka qofka loo mariyey.

Leave a Reply