Qiso: Islaan Wiilkeedii Dhintay

0
500

Umadaha ayaa kala cimri dheer , waxaana la soo weriyay in Nebi Nuux (cs) uu maalin la kulmay Islaan Ooyaysa , ka dibna uu weydiiyay waxa ku dhacay ee ay la ooyayaso? Islaantii ayaa ugu jawaabtay waxa iga dhintay wiil yar oo aan dhalay. Nebi Nuux (cs) ayaa weydiiyay imisa ayay da’diisu ahayd. Islaanta ayaa ku jawaabtay 300 sano. Nebi Nuux ayaa ku yidhi Nasiib ayaad leedahay , maxaad samayn lahayd hadaad ka mid noqon lahayd Umadda cimrigeeduba aanu dhaafayn 60 sano. Islaantii ayaa weydiisay oo miyay jirtaa?. Nebiga Nuux (cs) ayaa ku jawaabay Haa. Waxayna islaantu hadalka ku soo xidhay haddii aan ka mid noqon lahaa lixdanka sanoba waxaan ku dhamaysan lahaa sujuud. ( Qisadan waxa weriyay Sh.Muxamed Curayf Barnaamijka Qawaariir..Kana dhegayso YouTube).
 

Leave a Reply