Qiso: Jacaylka Rasuulka (scw) Ee Axsaabta

0
1951

Rasuulka Allah (scw) oo Asxaabta khudbad wacdi ah u jeedinaya ayuu Nin Istaagay, Nabiga (scw) ayaa Ninkii ku yidhi Fadhiiso, haddaba saxaabiga Ibnu Mascuud oo Masaajidka debediisa jooga ayaa maqlay Fadhiiso, wuxuuna Fadhiistay Bartii uu taagnaa. Waxay ahayd goob Qorrax badan, Dhididkii ayaa aad uga hooray. Markii ay Asxaabtii soo baxday  ayay ku yidhaahdeen: Maxaa kugu Dhacay Ibnu Mascuudoow oo aad cadceedda u Fadhiisatay?,  Waxaana uu ugu jawaabay: “Waxaan Maqlay Rasuulka (scw), oo leh Fadhiiso.
Saxaabadii mid ka mid ah ayaa ku yidhi: “Adiga kuumuu jeedin ee Nin kale oo Istaagay gudaha Masjidka ayuu ahaa”.
Ibnu Mascuud (RC), ayaa markaasi yidhi: “ Soo Rasuulku (scw) ma odhan fadhiiso mana Magacaabin, marka waan Fadhiistay,  Nabiga (scw) oo leh Fadhiiso miyaan Taagnaan karaa?.
Ibnu Mascuud (rc) wuxuu kaloo yidhi: “Waan Isku dhiibay Rasuulka (CSW), waana Adeecid Buuxda, Sababtoo ah Xabiibkeena, waxaan ka jecelahay Aabahey iyo Hooyadey iyo Naftaydaba.
Intaasi ka dib ayuu Rasuulku (scw) soo baxay oo ku yidhi : “ Istaag Yaa Abaa C/raxmaanow Janno ayaa kuu Sugnaatay, Istaag Abaa C/raxmaanow Janno ayaad leedahaye. ( Allahayaw jacaylka Rasuulka nagu beer).
 

Leave a Reply