Gabadh Yar Oo 6 Cisho Jirtay Oo Noqotay Gabadhii Ugu Yarayd Ee Qalniin Lagu Sameeyo Dalka Marayanka

0
485

Dhakhaatiir u dhalatay dalkaasi Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ku guulaysatay  inay wadne u geliyaan ilme yar oo jiray 6 cisho,kaas oo noqday ilmihii ugu horeeyey uguna yaraa ee wadne loo geliyo wadankaasi.
Ilmahan yar ayaa ku dhashay magaalada Arizona ee Koonfurta wadankaasi  Maraykanka,waxaanu sidaas ku noqday bukaankii ugu yaraa ee lagu sameeyo qalin noocan oo kale ah ,sida ay sheegeen dhakhaatiirta qalinkan samaysay.
Kaelin Otto oo ah hooyada ilamahan yar dhashay ayaa sheegtay in loo sheegay in ilmohooda oo lagu magcaabo Oliver uu yahay ilmihii ugu yaraa ee lagu sameeyo qalin noocan oo kale ah laguna guulaysto,waxaanay sheegtay inay umushay  markii ay ilmahaasi uurka ku siday muddo  34 wiig ah iyo saddex cisho.
Gabadhan yar oo lagu magcaabo Oliver Crawford ayaa qalinkan lagu sameeyey loona geliyey wadne kale ,iyada oo lagu qalay cisbitaalka caruurta ee Phoenix ,kadib markii ay jirtay muddo lix cisho ah ,waxaana qalinkaasi ay gashay maalintii toddobaad.
Hooyada ilmahan dhashay ayaa sheegtay in dhakhaatiirtaasi u sheegeen in ilmahan yari uu u dhexeeyo in uu noolan karo iyo in uu dhinto,iyada oo la sheegay in dheecaanada dareeraha ah ee wadnuhu ay ka dhamaadeen intii uu uurka ku jiray,taasina ay tahay ta keentay inuu dhinto wadnaha ilmahaasi.
Inkasta oo dhakhaatiirta hawshan gacanta ku haysay ay ku guulaysatay qalinkan ,haddana waxa aan weli la hubin in uu ilmahaasi sii noolaan doono iyo in kale,sida ay sheegeen qoyska iyo dhakhaatiirta hawshaasi gacanta ku haysaa.
 
 

Leave a Reply