Ruushka oo loogu Hanjabay Cunaqabateen Dheeraad ah

0
331

Hogaamiyayaasha qaaradda Yurub waxa ay sheegayaan in ay suuragal tahay inay cunna qabateyn dheeraad ah saaran Ruushka, haddii aysan si wanaagsan uga shaqeynin heshiiska xabad joojinta ee laga gaadhay dagaalka bariga Ukraine.
Ra’iisul wasaaraha dalka Jarmalka, Angela Merkel, waxa ay tilmaamtay in fursadda cunna qabateynta ka dhanka ah Ruushka ay sii furnaaneyso, haddii heshiiska xabad joojinta ee bariga Ukraine aan loo hogaansamin.
Waxa ay hadalkaasi ka sheegtay shir jaraa’id ay ku qabatay magaalada Brussels.
“Aad baan uga warqabnaa inay jiraan weli dadaallo badan oo u baahan in la sameeyo, taasina waa sababta ay fursadaha jawaabta oo dhan u furnaanayaan. Haddii ay si wanaagsan u meel marto waan taageereynaa hanaankan.” Ayey tidhi Mrs Angela Markel.
Waxayna intaa ku dartay, “waana ka mahad celineynaa in taasi laga warhayo, haddii ay dhaqan gali waysana ma hor istaageyno in cunna qabateyn dheeraad ah la saaro Ruushka iyo mucaaradka Ukraine.”
Xabad joojinta ee Ukraine waxa ay bilaabaneysaa saqda dhexe ee habeenka sabtida.
Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadaasi waxa ay ku qeexeysaa inay tahay arrin aad muhiim u ah oo dhanka nabadda loo qaaday.
 

Leave a Reply