Boko Haram oo Markii ugu Horaysay Weerartay Jaad

0
639

Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa markii ugu horaysay waxa ay weerartay dalka deriska la ah Nigeria ee Chad.
Sarakiisha dalka Chad ayaa sheegaya in dagaalyahanada kooxdan ay xalay doomo uga talaabeen harada Chad, waxayna kaddib weerareen tuulo la yiraahdo Ngouboua, halkaas oo ay dad ku dileen, guryana dab ku qabsiiyeen.
Caaqilka tuuladaas ayaa lagu soo waramayaa in uu ka mid ahaa dadka la dilay.
Ciidamada Chad ayaa la sheegayaa in haatan ay tuulada ka saareen kooxda dibna ugu riixeen dalka Nijeeriya oo ay kooxdu gacanta ku hayso dhul balaaran.
Kooxda ayaa kumanaan kun oo qof ku dhishay dalka Nigeria.
Dhowaan doorasho lagu waday in ay ka dhacdo Nigeria ayaa dib loo digay mudo lix todobaad ah si loo sugo amaanka.

Leave a Reply