Agaasimaha Komishanka AIDS-ka Oo Beeniyay Inuu Xafiiska Ka Maqnaa Laba Maalmood

0
373

HARGEYSA (DAWAN)- Agaasimaha Fulinta ee Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Prof. Cabdi Cali jaamac, ayaa beeniyay  inuu labadii maalmood  ee Arbacadii iyo Khamiistii  todobaadkii hore uu ka maqnaa xafiiskiisa, isla markaana waxa uu ku dooday inay dhaqan u tahay xataa inuu gelinka dambe ku soo noqdo shaqadiisa.
Agaasimaha fulinta ee Komishanka HIV/AIDS-ku Waxa uu si gaar ah uga jawaab celiyay intii ka khusaysay warbixin Wargeyska DAWAN daabacay Maalintii Sabtidii ee 14/02/2015 oo ciwaankiisu ahaa “Magacyadda Masuuliyiintii Aan Xafiisyadooda Madaxa Gelin Maalmihii u dambeeyay” oo Wargeysku ku soo bandhigay  Masuuliyiinta Hay’adaha dawladda ee madaxa-banaan ee aan xafiisyadooda u soo jarmaadin maalmihii Arbacadii iyo Khamiistii la soo dhaafay.
 
 
Prof. Cabdi Cali Jaamac waxa uu xalay DAWAN soo gaadhsiiyay qoraal uu ku beeninayo   warbixintaasi, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
“Anigu haddii aan isaga ahaan lahaa waxan u qori lahaa warkaas sidan: “ Mar aan booqday xafiiska SOLNAC, halkaa kula maan kulmin masuulka u sarreya” halka uu ka yidhi maalintaas mabuu soo shaqo tegin. Waxan sidaa u leeyahay waayo maalin qudha oo ahayd Arbacadii todobaadkii hore ayaa la ii sheegay in ninkaasi yimid xafiiska ka dib markii aan soo weydaartay isla daqiiqado ka dib markii uu ka baxay xafiiska. Annagu maalinta kale ee khamiista ee uu sheegayo maanu arag, xafiiskana maalintaa waan joogay mar dhexe oo aan yara baxay oo haddana soo noqday mooyee.
 
Runtii waa fikrad fiican in la dabo-gallo xafiisyada dawladda oo mararka qaarkoodna wax laga qoro kuwa caadaystay in aanay ka soo xaadirin xafiisyada loo igmaday, laakiin taasi waxay u baahan tahay xirfad, samir, daraasad iyo u kuurgal xuuraan ku dhisan xaqiiqo raadis dhex-dhexaadnimo ku qotonta oo qiyaastii aan ka yarayn dhawr todobaad si loo gaadho go’aan ama gabo-gabo kama dambays ah oo odhanaysa qofkaasi xafiiskii iyo shaqadii loo diray kama soo xaadiro.
 
Waxaan sidaa u leeyahay maxaa yeelay ninkan (Weriyahani), xafiiska yimid,  haddii uu samayn lahaa xuuraan iyo u-dhabo-gal uu ku raadinayo xaqiiqda dhabta ah wuxuu ogaan lahaa in aan iska daa gelin horee aan galinka dambe u soo noqdo shaqada taas oo aan ku gaadho marar badan habeenkii.  Iska daa inuu taas ogaado, wuxuu  awoodi kari waayay ama is diidsiiyay in uu hubsado in maalintaa uu noo yimid ee Arbacadii aanu is weydaaranay, maalinta kale ee Khamistana cid aragtay oo xafiiskayaga ahi ma jirto, sida aan hore u soo sheegay,  oo iyada ma laha wuu raaciyay uun.
 
Haddaba, su’aashu waxay tahay nin  qadhaab ku doon-doonaya shaqadiisa ma ka sal  gaadhi karaa xuuraanka iyo baadhista aan kor ku soo sheegnay, mase ku sifoobi karaa ammanada iyo run sheegga ay u baahan tahay mihnadda saxaafaddu.”
 
Hase yeeshee waxaanu caddaynaynaa inaan wargeysku ujeedo cid lagu bar-tilmaameedsanayo ka lahayn qorrmadaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply