Xabad joojin Ukraine ka Dhaqangashay

0
397

Xabad joojin u dhexeysa ciidamada dowladda Ukraine iyo mucaaradka ayaa ka dhaqangashay bariga dalkaasi.
Duqeynta ayaa la sheegayaa inay istaagtay markii la gaadhay xilliga ay xabad jopojinta bilaabaneysay oo ahayd sabtidii saqdii dhexe, ee xilliga Ukraine.
Balse markaasi kaddib labada dhinacba ee mucaaradka iyo dowladda waxa ay sheegeen in ay jirtay rasaas la isku dhaafsaday meel u dhow magaalada Debaltseve.
Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, waxa uu sheegay in ciidamadiisa uu ku amray inay tixgeliyaan xabadjoojinta, laakiin waxa uu ku hanjabay inaysan dhabanada qabsan doonin haddii la carqaladeeyo heshiiska.
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu la hadlay Mr Poroshenko iyo hogaamiyaha dalka Jarmalka, Angela Merkel, si uu u muujiyo walaaciisa ku aadan qalalaasaha saacadihii ugu dambeeyay dhacay.
 

Leave a Reply