Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoon-siiyay Dufcadii 2-aad Ee ka Aflaxday Jaamacadda Gabiley

0
328

Gabiley (Dawan)- Madaxwaynaha  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay ka qayb galay munaasibad weyn oo loo sammeeyay Qalin-jabinta 64 arday oo ah  dufacadii labaad ee dhamaysatay degree-ga iyo Diploma-da, kuwaasi  oo ka aflaxay jaamacadda Tima Cadde ee magaalada gabiley.
Munaasibadda qalin- jabinta oo lagu qabtay hoolka Jaamacada ee magaalada Gabiley waxa Madaxwaynaha ku wehelinayay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada , Masuuliyiinta, Hormoodada kuliyadaha iyo  Ardayda wax ka barata Jaamacaddaasi Timacadde ee magaalada Gabilay..
Guddoomiyaha Jaamacada Timacadde ee magaalada Gabilay Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu yidhi  “Waxaan u mahad naqayaa weftigan sharafta leh ee uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland, oo runtii aan ugu mahad naqayo hoolkan quruxda badan ee aynu  maanta fadhino. Haddii mudane madaxweyne aan warbixin idinka siiyo waxyaabihii u qabsoomay jaamacadan sannadkii tagay, tirada ardayda oo korodhay boqolkiiba konton, iyo tirade  kuliyadaha oo korodhay iyada oo noqotay laba iyo toban kuliyadood oo kala ah, Caafimaad, Dhaqaalaha, Barashada Islaamka, ICT iyo kuwo kale.”
Guddoomiyaha jaamacada Timacada ee magaalada Gabilay waxa kale oo uu intaa ku daray “Jaamacadani waxa ay dhawaan imtixaan u gashay oo ay kaalinta koowaad ku soo baxeen ardaydeedii  Diiwaangelinta madaniga ah ee dalka ka socota, waxaa wax lagu farxo ah in ardaydii  ka qalin jabiyay  jaamacadan  ay dhammaan shaqo heleen, qiyaas ahaan 90%, jaamacadani Timacade waxa ay xidhiidh dhow la samaysay jaamacadaha dibada gaar ahaan jaamacada Suudaan ee magaceeda la yidhaahdo ALNIILAYN, taas oo wax badan la qabatay jaamacada gaar ahaan dhinaca laababka, sidoo kale waxa ay jaamacadu waxbarasho u heshay toban arday oo ay bixiyeen haweenka reer Norway.”
 
“Waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha Somaliland oo markii labaad  goob joog u ah qalin-jabintan. Waxaanu qiraynaa in xukuumadani intii ay tallada haysay ay qabatay wax badan oo lagu faano oo ay ka mid tahay hirgelinta hoolkan aynu fadhino. Waxaanu u mahad naqaynaa Wasiirka waxbarashada Somaliland, guddoomiyaha jaamacada Cammuud oo aanu Gabiley ahaan u aqoonsan nahay aabaha Jaamacadaha Somaliland shahaadado arrintaasi ka turjumaysana aanu guddoon siinayno, sidoo kale waxaan u mahad naqaynaa Wasiirka wasaarada maaliyada,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Gabiley.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Subaxnimadii hore ee shalay ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa Khudbad uu u jeediyay Ardayda qalin-jabisay waxa uu ku sheegay inay yihiin hogaanka Umadda Somaliland ee mustaqbalka, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Aad baan ugu farax sanahay in aan ka soo qayb galo xafladan qiimaha weyn leh, ardayda halkan ka qalin-jabinaysaa maamuus weyn iyo sharaf ayay inoo wada tahay. Jaamacadani waa jaamacad ahmiyad weyn leh, sida jaamacadaha kale ee dalka.
Waxaanu waalidiinta,Ardayda qalinjabinaysa iyo Macalimiinta iyo inta ka hawl gashaba Bogaadin ayaanu u soo jeedinaynaa. Jaamacaddaha iyo dadka wax ka bartaa waa Hogaamiyeyaashii Dadka iyo dalkan ee Mustaqbalka. Markaa waxay naga mudan yihiin qaddarin iyo Sharaf, Dalka iyo dadkana way ka mudan yihiin.Annaguna dawlad ahaan xilka naga saaran waanu ka gudanaynaa.”
 
Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markaa waxaan jecelahay ardayda jaamacadan  ka qalinjabinaysa, maamulkooda, macalimiintooda iyo shaqaalaha kale ee jaamacadaba in aan u mahad naq ballaadan iyo hambalyo u soo jeediiyo, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa in uu inaga dhigo kuwii dedaal ahaan iyo qaran ahaan ba guulaysta.”
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyaduna hadal kooban ka soo jeedisay munaasibadaasi waxaanay tidhi “Marka ugu horraysa waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka, “Asalaamu Calaykum’ ardayda qalin-jabinaysa, waxgaradka reer Gabiley, macalimiinta, weftiga, saxaafada, dhammaantiin. Jaamacada Gabilay waxaan ku faraxsan nahay in aan markii labaad ka soo qayb galo iyada oo mar horena sidan oo kale aan uga soo qayb galay.”
 
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay sheegtay in jaamacada Gabilay ay ku tallaabsaday horumar ballaadhan oo baaxad leh muddadii ay jirtay, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Jaamacada Gabilay waxa ay horumarka kala mid tahay jaamacadaha waawayn ee dalka, waxyaabaha u hirgalayna ee aanu la qabanayna waxaa ka mid ah  hirgelinta dhismaha hoolkan aynu fadhino maanta, waxaanan idin leeyahay arka oo sheega waxa u hirgalay oo aad indhihiina ku aragtaan,uma aan  kicin in aan halkan hadal badan ka idhaahdo, dhamaantiina waan idiin mahad naqayaa.”
By: Idiris M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply