Qorshaha lahaanshaha Dhulka Koofur Afrika

0
352

Dhulka iyo arrimihiisa  ayaa Koofur Africa ka ah mid xasaasi ah. Xukuumadda ayaa waxaa saaran cadaadis sii kordhaya, kaasoo ah inay in badan oo dhulkaas ah galiso gacanta madowga tirada badan. Hindisayaasha madaxweyne Zuma ayaa waxaa hadheeyey qalalaase Khamiistii. Khudbadiisa sannadlaha ah ee uu dalka u jeediyo ayaa u baaqatay qas ka dhacay Baarlamaanka.
Hadda wuxuu bixinayaa faahfaahin dheeri ah. Wuxuu sheegay in Mustaqbalka dadka ajaanibta ah muddo cayiman yeelan doonaan dhulka, kaasoo aan ahayn inay leeyihiin lahaanshihiisa. Arrin laga yaabo inay muran keento ayuu madaxweynuhu ku sheegay in beeraleyda gudaha aysan yeelan karin dhul ka badan 12,000 oo hektar.
Waxaa la aaminsan yahay inuu taas uga gol-leeyahay caddaanka beeraleyda ah ee weli iska leh dhulka ugu fiican beerashada, kuwaasoo ah jiilkii ka dambeeyey wakhtigii midab kala sooca. Arrimo badan ayaa loo aanaynayaa gaabiska uu ku socdo isbeddelka.
Hindiseyaasha cusubna waxay wajahayaan caqabado xagga sharciga ah oo ka imaanaya beeraleyda, kuwaasoo ku doodaya in dhulalka yaryar aysan ganacsi ahaan ahayn kuwo ay macquul tahay in lagu tiirsanaado.
Laakin xisbiga talada haya ee ANC ayaa eegaya codadka, wuxuuna ka welwelsan yahay inay soo baxaan codad badan oo ku baaqaya in lala wareego dhulka ay caddaanku leeyihiin ayadoo aan magdhow la siin.
 
 
 
 
 

Leave a Reply