Guddoomiye Cirro Iyo Xildhibaanno Ka Tirsan WADDANI Oo Iska Casilaya Xubinimadii Golaha Wakiiladda

0
351

Hargeysa (DAWAN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland  ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu qorsheeyay inuu iska casilo xilka Guddoomiyenimadda Golaha Wakiiladda, ka dib markii beeshiisa iyo taageereyaasha xisbigiisu ay muddo dheer  ugu baaqayeen inuu ka tago xilka Golaha haddii ay ka dhab tahay murrashaxnimadda madaxweynenimada ee doorashada Madaxtooyadda.
 
Guddoomiye C/Raxmaan Cirro oo hadda ku sugan dalka Jabuuti oo uu kaga qeyb galay aaskii Guddoomiyihii Baarlamaanka dalkaasi oo dhawaan geeriyooday, ayaa  warar ilo looga qaateen ah aanu ka soo xiganay noo xaqiijiyeen inuu nashqadeeyay qorshe dhagareed oo uu doonayo inuu ku makallo qaranimada Somaliland.
Warku waxa uu intaasi ku daray inuu C/raxmaan Cirro   xaflad xisbigiisu  ku qaban doono Hargeysa khamiista ama Sabtida soo socota  uu ku shaacin doono inuu is casilay, hase yeeshee waxa la sheegay in labaatameeye Xildhibaan oo taabacsan xisbigiisa  WADDANI uu ku qanciyay inay  iyaguna iclaamiyaan inay is casileen si uu bulshadda ugu marin habaabiyo Inaanu jirin Baarlamaan sharci ahi.
“Waxa ujeedada uu isku casilayaa tahay inuu iska leexiyo ceebta mooskiisa taalla oo ah inuu kaalin ku leeyahay dib u dhaca doorashooyinka, waxaana beryahan-ba xisbigiisa iyo taageereyaashiisuba ku boorinayeen in haddii murrashaxnimadiisa Madaxweynuhu  run tahay uu iska casilo baarlamaanka oo uu dibada is-taago, culayskaas ayaa sababay inuu isku dayo inuu Xildhibaanadii uu isagu hore ee xisbiga UCID  uga kaxaystay in badan oo ka mid ah iyo xubno ka  kale oo ka soo jeeda beeshiisa uu ku qufulay inay dhammaantood is-casilaan,  si aan  u yidhaahdaan ma jiro Gole sharci ahi,”ayuu yidhi mid ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Wakiiladda ee   mawduucan sida dhow ula socday oo ka gaabsaday  in magaciisa la shaaciyo.
Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladdu waxa uudoonayaa inuu rayul caamka majare habaabiyo uu  dusha ka saaro masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka oo kaalinta ugu weyn uu isagu leeyahay, ka dib markii uu muddo dheer hortaagnaa anxisinta xeerka doorashada iyo ka diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo uu muddo  ka cago-jiidayay, iyadoo markii dambena lagu cadeeyay inuu galay jariimadii ugu xumayd ee ka dhacda labada aqal ee baarlamaanka oo uu foojariyeeyay xeerkii diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo uu nasakhay isla markaana Golaha Guurtida u gudbiyay nuqul aan ahayn kii ay Gole-weynuhu aqlabiyadda ku meel-mariyeen.
 
Sidoo kalena waxa uu dagaal uu aakhirkii ku guul-daraystay kaga soo horjeeday miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2015-ka oo ay ku jiraan kharashka xukuumaddu kaga qeyb-qaadanayso  diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha iyo dhaqaalihii doorashadaba.
 
Haddii tallaabadani dhabowdo waxa ka faa’iidaya xisbiga UCID oo dib u helaya xildhibaanadii ay ku lahaayeen Golaha Wakiiladda, iyadoo xataa xubinta Guddoomiye Cirro ay ku bedalan doonaan xubnihii kaydka ahaa ee doorashadii Golaha wakiiladda, waxase dhicisoobi doona shirqoolada siyaasadeed ee uu aqalkaasi u maleegayo Cabdiraxmaan Cirro oo go’aan ku gaadhay inaan wax Gole wakiillo ahi ka dambaynin, hase yeeshee waxay arrintu tagi doontaa uun aakhirka “Gole la soo doortay-waxa bedali kara Gole la soo doortay.”  Golaha Wakiiladda ayaa laga joogaa toban sannadood, iyagoo muddo shan sanadood ah ku sii fadhiya muddo kordhin ay sababteeda iyagu door weyn ku lahaayeen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply